Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa Shalay sheegay in uu baaqday  Shirka Wadatashiga Nabadeynta iyo Hormarinta Gobolka Banaadir oo lagu waday in 7da bishan uu ka furmo magaalada Muqdisho.

Duqa magaalada ayaa sheegay in howlo farsamo oo jira awgood uu shirka ubaaqday waqtiga shirka la qaban doono uu maamulka dib ka soo sheegi doono.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa hore ugu dhawaaqay in 7 Bishaan Magaalada Muqdisho uu ka furmi doono shirkaasi.

Duqa Muqdisho ayaa dhamaadkii bishii la soo dhaafay sheegay in shirkaan uu yahay mid muhiim ah loogana hadli doono Amniga Caasimada iyo sida loo xoojin karo.

Haddaba inkastoo uu Guddoomiyaha sheegay inuu kulankaas u baaqday arrimo farsamo, haddana warar hoose ayaa sheegaya inuu shirkaas Ubaaqdo Arimo kale.

Illo wareedyo aad ugu dhow Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay inay Shakhsiyaad madaxweynaha u dhow ka dhaadhacsiiyeen inuu kulankaas si khaldan loo qorshaynayo.

Xubnahaas oo si weyn ugu dhow Madaxweynaha isla markaasna ka tirsan Baarlamaanka ayaaa ku qanciyay Maadaxda in shirkaan oo la qabyaaladeeyay ay tahay wax aaad uxun, sida xogta lagu helay ayaa sheegayso in shirka loo soo xuli lahaa qaab ku dhisan qabiil.

Xubnaha ayaa usheegay madaxda in marka hore hadii shir Gobalka kaliya yahay loo sameeyo Maamu Ugooni maqaamkiisane meel la saaro balsa hadii aan wax loo ogalayn aan dhibaato horleh la galain, waxaana la xasuustaa in dhawaan Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi shakuur sheegay in xamar marti loogu yahay taas oo ay ku raaacay xildhibaan Mahad Salaad.

Xubnaha Madaxweynaha siiyey warbixinta ayaa ah:

  1. Xildhibaan Cabdishakur Cali Mire.
  2. Xildhibaan Xuseen Iidow.
  3. Siyaad Maxamuud Shire.

Shirka ayaa la qorsheeayay in looga hadlo Arimo dhowr ah oo ay ugu horeeyso xoojinta Amaanka is dhex galka Ciidanka iyo Ciidamada Amaanka oo wax wayn ka badali lahaa hadii ay isku milmaan sida ay qabaan qaban qaabiyaasha shirka, iyo isku tira koob rasmi ah oo lagu sameeyo dadka degan muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here