Xubnaha beesha caalamka u jooga xerada Xalane ayaa aqbalay qoraal Codsi uu horay ugu diray Gudoomiyaha Barlamaanka Fedaraalka ee ahaa in Codaynta Moowshinka Lagu qabto meel ka baxsan Xarun ta Golaha shacabka.

Gudoomiye Jawaari ayaa qoraal uu udiray Wakiilada Beesha Caalamka ku dalbaday in codbixinta mooshinka dhacdo goobtii lagu doortay Madaxwaynaha sanadkii hore.

sidoo kale jawaari ayaa dalbaday in AMISOM ay ilaalo ka ahaato Xarunta marka codka loo qaadayo mooshinka.

Gudoomiye Jawaari ayaa ka baqdin qaba in in moowshinka si farsamaysan loogu gadiyo, waxa uuna aaminsan yahay in uu haysto xildhibaano ku filan oo difaaci kara, sidoo kale waxa uu ka baqay in loo adeegsado awood.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here