Xildhibaan Cabdulaahi Goodax Bare oo kia mid ah Xiuldhibaanada Baarlamaanka Fedaraalka ayaa si wayn u eedeeyay Madaxwaynhii hore ee Soomaaliya Xasan shikh Maxamuud./

Xildhibaan C/Goodax ayaa ku eedeeyay Madaxwayne EX Xasan Shiikh ijn uu marlkasta ka shaqeeyo in uu dalka dib udhaco talaab kasta oo ay horay uqaadane uu mid lid ku ah qaado.

Cabdulaahi Goodax Bare ayaa ayaa sheegay wakhti Xaadirkaan uu dalku marayo Xasaasi ah loona baahan yahay in dowlada la garab istaago halka laga soo horjeesan lahaa, asiga oo sheegay in madaxwaynhii oo dagay Xero Militari in la fashiliyo dadaaladiisa ay tahay Damiir Xumo.

“Waxaa xaqiiqa ah oo shaki aan ku jirin Xasan Sheekh oo adeegsanaya Xildhibaano kooban oo ka tirsan nidaamkii hore ee Damul jadiid  ee damacsan Xukuumaddaan inaysan maalin horay u socon, Madaxweynahooda oo tuute gashtay oo xero u guuray in la fur furo oo la cambaareeyo oo dowladii ay shaqeyn wayso waa damiir xumo, Baarlamaanka isaga oo matalaya umadda Somaliyed waa in la dhahaa naga fariista Xildhibaanadaasi.” Ayuu yiri Goodax Barre.

Sidoo kale waxa uu sheegay xildhibaanka in kooxda qabyo ee uu hor kacayay Madaxwayne Xasan shiikh ee lagaga Guulaystay Jagada Madaxwaynaha ay maalinkasta la hadlaan Xasan shiikh asiga oo usheego danaha Khaaska ah ee ay doonayaan.

” Maalin kasta ayuu Xasan Sheekh soo wacaa Xildhibaanada Damul Jadiid, waxa uuna ku dhahaa sidaa yeela sidaa yeela, waxa ay Xildhibaanadan dagaal kula jiraan horumarka dalka iyo in horey loo sii socdo” Ayuu yiri Xildhibaan Goodax.

Tan iyo markii Madaxwayne Xasan shiikh Xilka lagaga Guulaystay ayaa waxaa ay xildhibaanada Kooxda Qabyo ahaayeen Kuwa Mucaarad ku ah Dowlada Madaxwayne Maxamed Cabulaahi farmaajo, talaab kasto oo ay qaado ayay ka keenaan Su’aal ludi ku ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here