Waxaa sii badabnayay M,suuliyiinta iyo siyaasiyiinta kala duwan ee ka hadlaya Xiisad Siyaasadeedka ka dhex aloolsan Mudanyaasha BAaarlamaanka Fedaraalka ah ee Soomaaliya Waxaana kada ka hadlay Xildhibaan Cabdi shire oo ka mid ah Golaha Xildhibaanada Baraalamaanka ee Aqalka Hoose, waxa uuna sheegay in mowqifkiisa ku aadan in xilka laga qaado Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waxa uuna sheegay in aad kaga soo horjeedo arintaas.

“Isku dayga in xilka laga qaado , Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari,  waxaan u arkaa mid aysan ku jirin  danta ummadda Soomaaliyeed xilligan. Waxaan ka codsanayaa Xildhibaanada saxiixay  moowshinka in ay xaalada dib u eegaan iyaga oo maanka ku haya  marxalada dalku ku sugan yahay” ayuu yiri

sidoo kale waxa uu sheegay in  Gudoomiye Jawaari uu yahay nin Sharci yaqaan ah, hadii xilka laga qaadanay ay la mid tahay in baarlamaankii irdaha loo laabay.

“Dadku waa banii’aadmi, khalad waa jiri karaa ay arkaan xildhibaanada qaar in  uu galay gudoomiyuhu, balse waxaa muhiim ah in aan xaqiiqada aan  laga tagin. Aqoonta Jawaari uu leeyahay dhan maamul, sharci, waayo-aragnimo , maanta ma noola qof Soomali ah oo leh. Jawaari oo Gudoomiyenimada laga qaado waa baarlamaanka oo albaabada loo laabo iyo in lagu laabto waayadii baarlamaanka nin furaha   jeebka isaga heysan jiray”ayuu yiri Xildhibaan Cabdi shire oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here