Xaas uu muddo dheer qarinayay Ra’isulwasaaraha Hindiya Narendra Modi oo lagu magacaabo Jashodaben ayaa ka badbaadday shil baabuur oo aad u fool xun.

Qof qaraabadeeda ah ayaa shilka ku dhintay kadib markii gaarigoodii yaraa uu jiiray baabuur weyn, iyaga oo maraya waddo ku taala gobolka Rajasthan.

Modi ayaa haweenaydan guursaday isaga oo 17 jir ah, balse dhawr sano kadib waa ay kala tageen, sababtuna waxa ay ahayd Modi oo aaminsan caado ka mid ah diinta Hinduuga oo ay ragga iska dhaafaan in ay guursadaan gabi ahaanba.

Muddo dheer ayuu qarin jiray in uu xaas lahaa, balse sanadkii 2014-kii ayuu qirtay xili uu u tartamayay xilka Ra’isulwasaarenimada oo uu usoo sharaxay xisbigiisa BJP. Sharciga ayaa waxa uu qabaa in aad wax kasta oo noloshaada ku saabsan sheegto marka uu qofka u tartamayo xil sidaas u sareeya.

Lahaanshaha sawirka. Image caption  Gaarigii ay la socotay haweeynaydan

Dad badan ayaa ku eedeeyay in uu dayacay xaaskiisa kadib markii uu ku biirey xisbiga ay Hinduuga majaraha u hayaan, kaas oo aad u ixtiraama ragga guur diidka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here