Ciyaartooda Xulka qaranka Soomaaliya ayaa maanta la balan kulan ciyaareed aad uxiiso badan xulka kubada cagta ee burundi ayaga oo dheelaya tartanka 17-ka sanno jirada.

Xulka ku bada Cagata ee Indian ocean  ayaa haysata Fursad ay guruubka kaga soo bixi karaan ka dib markiii Itoobiya ay ku xad gudubtay xeerka tartanka, kuwaas oo safay ciyaartooy da’doodu ay ka wayn tahay 17 sanno.

kooxda Burundi oo tartanka marti galainaysa ayaana haysan wax dhinco ah waxaana lagu soo daarayt kullankii koowaad 4-0 kala kulmay xulka Kenya.

waxaana gruubka soomaaliya ay ku jirto Hogaanka uhaysa Kenya oo leh 3 dhibcood iyo 4 gool halka Soomaaliya leedahay 3 iyo 3 gool oo ay ku heshay ganaaxa Intoobiya.

labada xul ee itoobiya iyo burindi ayaana lahayn wax dhibac ah, kullanka ayaa ka dhici doona garoonka Ngozi ee ku yaala magaalada Bujumbura oo ah dalka Burundi.

si aan warka ku helayno waxa ay noo sheegayaan in Ciyaarta ayaa soo dhici doonta galabta marka ay saacadu tahay 3:30 daqiiqo dhanka Burundi oo dhanka soomaaliya ay tahay 4:30.

sida uu xaqiijiyay Agaasimaha warfaafinta Xiriirka kubada Cagta ee Soomaaliya waxaa ciyaarta laga daawan dpoonaa  Azam Tv oo laga lee yahay dalka Tanzania.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here