Xalay Ayeey Aheyd Markii Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Dowlada federaalka Ah ee Soomaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari uu shaaca ka qaaday in Lala Wareegay xaruunta Golaha Shacabka.

Wasiirka Amingiga Dowlada Somalia Iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in ciidam ka tirsan kuwa milatariga soomaaliya ay la wareegeen gacan ku heynta xarunta golaha shacabka ee magaala muqdisho, Hadalka Ka Soo Yeeray Gudoomiyaha Golaha Shacabkana uu Yahay Mid Aanu Xaqiiqo Aheyn.

Wasiirka amniga Gudaha Somalia Xasan Macalin Xuseen oo warbaahita la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in ay tahay  amar ka soo baxay wasaarada amaanka in ciidamadaas la geeyo Xarunta Golaha Shacabka.

Dhanka Ka Le Taliyaha Ciidanka Booliska Somalia Ayaa Xaqiijiyay In ciidankaasi ay yihiin kuwo ka tirsan ciidanka booliska soomaaliyeed, Waxa uu sido kale sheegay in ay asiga hoostagaan, Waxa uuna sidoo kale xaqiijiyay in ay waxba kama jiraan yihiin wararka sheegaya in lala wareegay xarunta Golaha Shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here