Ciidamada Ilaalada Badda ee Jasiirada Maldives ayaa gacanta ku dhigay Doomo kalluumeysi oo laga leeyahay Soomaaliya, kuwaas oo la sheegay in ay wadeen 200 oo tan oo Kalluun ah.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Ilaalada Badda ee Maldives ayaa sheegay in Doonida ay qabteen Ciidamadooda ay ka timid Soomaaliya, kuna sii jeeday dalka Thailand

Doonida labaad ayey Ciidamada qabteen Habeenkii jJmcaha taas oo Magaceeda lagu sheegay Chatpatana, waxaana saarnaa 12 shaqaale ah oo u dhashay dalka Thailand, iyadoo Doonida uu ka babanayey Calanka Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Badda ee Jasiirada Maldives ayaa sheegay in labaaasi Doomood ay dalkooda ku soo galee, iyagoo aan haysan wax ogolaanshaho ah.

Waxaana uu intaasi ku daray in ay baaritaano ku sameynayaan labadaasi Doomood iyo u jeedka ay ku yimaadeen Jasiirada Maldives.

Saraakiil ka tirsan Jasiirada Maldives oo ku taalla Badweynta Hindiya ayaa sheegay in ay baaritaanada Doomahaasi ay kala tashan doonaan dalalka Hindiya iyo Srilanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here