Wararka haatan ka Imaanaya booqashada madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku iman doono maanta magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa waxaa soo baxaya warar kala duwan oo ku aadan safarka madaxweyne Farmaajo.
Madaxweynaha ayaa la filayaa inta uu ku sugan yahay deegaanada Puntland in uu la kulmo madaxda Puntland, gollaha dhaqanka, waxgarad iyo maamulka deegaanada uu booqan doono oo uu kala hadli doono arimo badan, waxaana sidoo kale laga yaabaa madaxweyne Farmaajo in uu u sii gudbo deegaanada Somaliland ay ka arimo ee goboladda Sool iyo Sanaag kuwaas oo uu xaalad indha indhayn ah uu kusoo samayn doono.
Deegaanada uu booqan doono madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa kamid ah deegaanka Dhahar ee gobolka Sanaag iyo qaybo kamid ah gobolkaas oo uu ka gaadhi doono magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, isagoona ujeedka booqashadiisu ay tahay u kuur galida mashaariicda dowladda federaalka Soomaaliya ay ka fulinayso deegaanadaasi.
Deegaanka Dhahar ee gobolka Sanaag oo uu dhawaan gaadhay wasiirka qorshaynta xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa laga fulinayaa deegaankaasi mashaariic balaadhan oo ay kamid tahay wado laami ah oo isku xidhaysa Ceel Daahir iyo Ceerigaabo, waxaana heegan xoogan la galiyey ciidamada maamulka Somaliland ee gobolkaasi kuwaas oo weerar kala hor tagaya madaxweynaha hadii uu fara gelin ku sameeyo deegaanada Somaliland oo amar uu ku bixiyey madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi in la weeraro madaxweyne Farmaajo hadii uu booqasho ku damco in uu ku maro deegaanada goboladda Sanaag iyo Sool oo uu ka tagi doono deegaanada Bariga ah ee gobolkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here