Wararkii ugu dambeeyey eE uu ka helayo dagaalka u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa sheegaya in xaaladu ay sii cuslaatay kadib markii gurmad xoogan uu soo gaadhay ciidamada maamulka Somaliland oo markii hore laga awood roonaaday.

Dagaalkan oo hada soo qaboobaya isla markaasna kusii fidaya qaybo kamid ah gobolka Sool ayaa waxaa la sheegay in ciidamada Puntland markani laga awood roonaaday una sii siqayaan dhanka magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. C/xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay oo isagu haatan shir deg deg iskugu yeedhay saraakiisha ciidamada Puntland ayaa ku dhawaaqaya in xaalad dagaal la isku diyaariyo lagana hor tago duulaanka qaawan ee ciidamada maamulka Somaliland ay kusoo qaadeen caasimada Puntland ee magaalada Garoowe.

Diyaar garow xoogan iyo gurmadka ciidamada Puntland oo hada sii xoogaysanaya ayaa waxaa laga yaabaa in ciidamada maamulka Somaliland laga qabsado magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool lagana sifeeyo deegaanada ay kaga sugan yihiin goboladda Puntland ee Sool iyo Sanaag oo ay arimiyaan qaybo kamid ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here