DEG-DEG:- Madaxweyne Gaas oo si degdeg ah u magacaabay taliyayaal ciidan, shaqadii ka ceyriyay taliyihii hore…..

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo lagu magacaabay Xeer Madaxweyne Lr-04 January 2018 Taliyaha iyo kuxigeenada koowaad iyo labaad ee Ciidanka Booliska Dawladda Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka dawladda Puntland.
Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo khibradooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa S/GUUTO Cabdulaahi Shire[Dool] loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Boosliska Puntland.

2. Waxaa G/Sare Bile Faarax Cali loo magcaabay Taliye ku xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Puntland.

3. Waxaa G/Sare Cusmaan Xassan Cuuke loo magcaabay Taliye ku xigeenka Labaad ee Ciidanka Booliska Puntland.
Xeerkani wuuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxwaynuhu saxiixo wuuna saxiixay.

Magacaabidaan ayaa waxay muujinaysaa inuu meesha ka baxay taliyihii ciidanka booliiska Puntland Gen. Cabdiqaadir Ereg, kaasoo horey loogu sameeyay shaqo joojin, kadib markii uu ku kacay fal gacan ka hadal oo uu ku dhaawacay ku xigeenkiisii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here