Madaxwaynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya shariif Xasan shiikh aadan ayaa lagu eedeeyay in uu qayb ka yahay Moowshinka ka dhanka ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Fedaraalka ah ee Soomaaliya oo maalmihii ugu danbeeyay uga Socday Muqdisho sio xowli ah.

Xildhibaan C/fataax Geesey oo ka mid ah Mudanyaasha Baarlamaanka ayaa sheegay in la doonayo in ay raalli gelin ka bixinayaan Xildhibaano ka soo jeeda Maamulka Koofur Galbeed oo ugu baaqay in taageeraan Gudoomiyaha Baarlamaanka ayna ka soo laabtaan Go’aankii ay ugu baaqeen in uu is casilo.

“Waxaa nasiib darro ah in Xildhibaano qaar inay yiraahdaan is casil, waxaa ognahay in Jawaari uusan aheyn Ugaas iyo Suldaan, midna ee uu yahay Guddoomiyaha Golaha shacabka, umaddan ayaa dooratay”ayuu yiri.

Xildhibaan Geesey ayaa ku eedeeyay Madaxwaynaha Koofur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan inuu ka shaqeynayo in la burburiyo Baarlamaanka Fedaraalka, asiga oo tilmaamay in uu ukala qaybiyo labo qaybood su la mid ah baarlamaankii hore.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here