Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka qeyb galaya shirka Dhaqaalaha Adduunka ee ka socda Davos ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa isku arkay Munaasabad casho aheyd oo loo sameeyay madaxdii ka soo qeyb gashay shirka dhaqaalaha Adduunka, waxaana ay yeesheen kulan istaag ahaa.

Mr Kheyre ayaa qoraal uu soo dhigay barta Twitter-ka ayuu ku yeeshay in kulanka uu la qaatay isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha Canada ay ka wada hadleen adkeynta, dardar gelinta iyo xiriirka fiican ee labada dal u dhaxeeya.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa inta uu socday shirka Dhaqaalaha Adduunka la kulmay Madax ka qeyb galeysa shirka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here