Magaalada Baydhabo ee ah xarunta KMG ah ee maamulka Koofur galbeed Soomaaliya ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay  waxaa ay hor-u-mar ka sameysay  dhinacyada ganacsiga, xoogsatada suuqyada khudaarta iyo Maciishadaha kale ee aas aasiga ah.

Dadka iibiya Khudaarta oo ubadan Dumar ayaa  waxay ku shaqeeyaan xaalado adag oo iskugu jira waddo-xumo, canshuuro iyo isbedelka cimilada oo roobabka sababeen.

Waxaa lagu jiraa xilliyada roobka deyrta meelo badan oo ka mid ah dalka oo uu ku jiro gobolka Baay ay roobab badan ka da’een, roobabkan ayaa waxaa ay saameyn ku yeesheen Suuqleyda ka ganacsada khudaarta waxaana wadooyinkii xiray dhiiqo iyo biyo kuwaas oo ka dhashay roobabka tirada badan ee da’aya.

Gobalka Ugu badan ee Khudaarta laga soo saaro dalka ee shabellaha hoose ayaa waxaa udheer roobabka xiray wadooyinka, Isbaarooyin dadka lagu dhibaateeyo maadaama uu yahay Gobalka ugu halista badan dalka, Baydhabo ayaana waxaa uga yimaado Khudaarta taas oo la kawsatay dhibaatada halkaas ka jirta.

Suuqyada khudaarta lagu iibiyo ee magaalada Baydhabo ayaa hadda waxaa laga dareemayaa sare u kac ku yimid qiimihii khudaarta, taaas oo ay usababeeyeen in la sugo khudaarta imaatinkeeda in kabadan 20 maalmood.

Asli Muqtaar Muudey oo la hadasghay Idaacda Goob joog ee ku taala Muqdisho ayaa usheegtay waxa sababay in khudaarta sare ukacdo “ Khudaarta waxaa ay jidka ku soo jirtay muddo dhan Sideed Maalmood,  waxaa ayna ku soo dhiiqooday baabuurka, waxaa keenay  sare u kaca  xilli roobaadka oo khudaarta waqti badan ay jidka ku soo jireysaa”.

Maxamed Cali Cumar waxaa uu ka mid yahay ganacsatada ka shaqeeya Khudaarta, waxaa uuna sheegayaa waxa hadda qiimaha Khudaarta iska badaley.

“Waxaan ka gacacsadaa Khudaarta  jidkii,  waxaa ku da’ay roob waxay soo mareysaa safar dheer , waxaa ka loo jira isbaarooyin badan,  arrimahaas oo dhan ayaa keenay inay khudaarta qaali noqoto”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here