Guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan  dabagalka xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowlada Imaaraatka Carabta ay qal qal xoogan galisay siyaasada Dowlada Soomaaliya.

Guddigaan ayaa ku sheegay warbixinta ay soo saareen in Dowlada Imaaraatka Carabta ay gil gishay siyaasada Soomaaliya sanadkan, waxa ayna Guddiga tilmaameen in Imaaraatka lacago laaluush ah siiyeen Madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira.

sidoo kale waxaa lagu sheegay in UAE ay ku qanciyeen Madaxda maamul goboleedyada dalka in ay ka hor yimaadeen go’aankii dhax dhaxaadka ahaa ee dowlada Federaalka ka qaatay xiisada Wadamada Khaliijka.

Guddiga ayaa  warbixintooda ku xusay in Imaaraatka ay madaxda maamul goboleedyada ay kulan u qabatay kadibna ay lacag ku siisay sidii wakiiladooda baarlamaanka Soomaaliya ku jira u carqaladayn lahaayeen go’aanka dhex dhexaadnimada ah ee dawlada  ka qaadatay arrinta khilaafka Khaliijka.

waa warbixintii ugu horeeysay ee gudigaan ka soo saaro faragalinta iyo qalqalka siyaasadeed ee imaaaraatka tan iyo markii xiisada khaliijka ay sida ba’an U saamaynta Dowlada Cusub, waxaa gabgabadii lagu sheegay in Dowlada Imaaraatka dadaal badan ku bixisay sidii dowlada Soomaaliya ay uga laaban laheyd go’aanka dhax dhaxaadka ay ka qaadatay xiisada Wadamada Khaliijka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here