Waxaa isa soo taraya sida Dadka Soomaaliyeed ay uga Horjeedaan Fargelinta Dowlada Imaaraadka ku hayaan dalka Soomaaliya , waxayana sii Xoogeysatey markii imaaraadka ay Heshiis Qar iska Tuurnimo ah la galeen maamulka aan la aqoonsaneyn ee Soomaaliland iyo Dowlada itoobiya.

Inta badan waa ay Guuldareystaan Dowlada sida Tooska u farageliya Dowladaha kale Tusaale Dowlada Shiinaha waxay Siyaasadii kaga dheereysey aduunka Dowlada Mareykanka waxaana ugu wacan , Marakeynaka waxaa uu Dowladaha sanka ka geliyaa Markey doonayaan in Dhaqaale Siyaan ama Maagelin Hormariyaan bixinayaan arimaha Dimoqraadiyada ,Xuquuqul Insaanka, (Gender Balance) ,Haweenka, Maxaabiista.
.
Dowladda Shiinaha Dhamaan Sharuudaha Mareykanka kuma Xiraan Xiriirkooda Dibada , Maalgashiga waana Tan Keentey in Shiinaha uu Xagga Siyaasada kaga Dheeree yo Mareykanka ,waxaana arkeysaa Dowlado badan oo u weecdey dalka Shiinaha ka dib markii ay halkaas ka heleen soo jiidasho aad u weyn ,waxaana Dadka Siyaasada Odoresa ay sheegayaan in Dalka Shiinaha sannadaha Socda heli doono Dowlado fara badan oo la Dhacsan Waxqabadkooda.

Waxaa Bilooyinkii la soo dhaafey dalka Soomaaliya ku Hardamyey Dowlado Carbeed oo iska soo hojeeda kuwaa oo markoodii hore ahaa kuwa isku Duuban , Waa markii ugu horeysey oo Dowaldo ka tirsan Khaliijka uu Xiriikooda uu Xumaado , waxaa Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ay Dhabarka u jeediyeen Dowlada Qadar oo iyana bilowdey in ay Xiriirk adag la sameysato Dowladda Turkiga.

Dowladda Qadar oo Siyaasadeeda Qunyar Socodka waxay keentey in ay Saameeyn ku yeelato Siyaasada Soomaaliya maadaama ay meel Istaraatiijiyad ku taal sidoo kale Dowlada Qadar waxay si weyn u soo dhaweysey Siyaasada Dhexdhexaadnimada ee ay qaadatey Dowlada Farmaajo hase yeeshee dowladda Imaaraadka kama Faaideysan Siyaasadaas ,waxayna Bilowdey Siyaasad wax lagu burburinaya waana mida keeney in uu sii Xumaado Xiiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka.
.
Dowlada Qadar oo balan qaadyadeedii Soomaaliya oo intooda badan ay Fuleen ayaa wax waliba waxay isbedeli doonaan marka uu Madaxweynaha Soomaaliya uu Booqasho ku tago Dalka Qadar , waxaana Dadka Syaasada Indha indheeya ay sheegayaan in ay ay dhici karto in Xiriirka loo jaro Dowlada Imaaraadka maadaama Dowladda Soomaaliya aysan jecleysan Siyaasada Guracan ee ay ku dhaqmeyso Dowladda Imaaraadka hadaba maxaa dhici doona Hadii Dowlada Imaaraadka Xiriirka loo jaro maadaama Ganasiga Soomaaliya uu intiisa badan uu ka yimaado Dubai islamarkaana Lacagaha ganacsiga ay Maraan isku soo duuboo sow ma moodid in Qadar ay Imaaraadka kaga dheereysey Siyaasadii Soomaaliya.

Gabagabadii Dowlada Soomaaliya ayaa looga Fadhiyaa sida ay ka yeeleyso Xiriirka Imaaraadka ka dib markii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu meel mariyay xeer dalka looga mamnuucayay Shirkada DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraatka , oo la sheegay in ay ku xad gudubtay jiritaanka Qaranka Soomaaliya sdiaa Darteed dadka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey talaabada uu baarlamaanka Soomaaliya uu qaadey kuwaa Dib Bulshada u xasuusinaya Go’aankii baarlamaanka ay horey uga qaateen Xadgudubkii hore loogu sameeyey Badda Soomaaliya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail:amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Tel 00252615532494

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here