Wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ee caasimada Maamul Gobaleedka Puntland ayaa sheeegaya in hada ay ka baxeen gudaha magaalada Garoowe ugu yaraan laba Guuto oo ka mid ah ciidamadii Puntland kuwaas oo fooda saaray deegaanka Faliidh yaale oo haatan dagaalku ka socdo.

Ciidamadani oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka iyo hubkii ugu cuslaa abid ayaa kusii qul qulaya jiida uu ka socdo dagaalku, waxaana sii kordhaya ciidamada gurmadka ah ee gaadhaya deegaankaasi Faliidh yaale ee gobolka Sool.

Hogaamiye sare oo ka tirsan Xukuumada Somaliland ayaa wacad ku maray in ay soo xidhi doonaan xuduudaha uu sheegato Somaliland ee Yoocada xili maalintii shalay ahayd uu soo gaadhay magaalada Garoowe madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xaalada magaalada Garoowe ayaa maanta kacsan, waxaana goobaha kala duwan ee magaalada lagu arkayaa gaadiid dagaal iyo ciidamada Puntland oo kusii jeeda goobta uu dagaalku ka socdo.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. C/xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay ayaa ku dhawaaqay goor dhoweyd in xaalad dagaal la isku diyaariyo lagana hor tago duulaanka qaawan ee ciidamada maamulka Somaliland ay kusoo qaadeen caasimada Puntland ee magaalada Garoowe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here