Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa ku dilay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir askari ka tirsanaa ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka.

Dilkan ayaa ka dhacay agagaarka buundada Anzalooti, iyadoo askariga la dilay magaciisa lagu soo gaabiyey Juuni.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka dowlada oo goobta ka dhowaa ayaa la sheegay iney ceyrsadeen raggii dilka geystay, waxaana dhexmartay israsaaseyn  khal khal ku abuurtay dadka degaanka.

Maamulka degmada Waaberi ayaa xaqiijiyey in ciidamada amaanka ay markii dambe qabteen saddex nin oo la sheegay iney ka dambeeyeen dilka askarigan, haatana ay ku jiraan xabsiga.

Askariga la dilay ayaa la sheegay inuu ka mid ahaan jiray ilaalada gaarka ah guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan (Axmed Faal), isagoo dhowaana ku biiray ciidanka dharcadka ah ee NISA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here