Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab in ay bur buriyeen xaruntii ugu weyneyd ururka Al-shabaab ay ku lahaayeen Gobolka Shabeellaha hoose.

Hawlgal qorsheysan oo ciidamada Danab ay ku qaadeen deegaanka Leego ee Gobolka Shabellaha hoose, ayaa la sheegay in lagu burburiyay Saldhigyada Shabaab ay ku leeyihiin deegaankaasi.

Taliyaha Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab G/sare Axmed Cabdullaahi Sheekh oo la hadlay Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in howlgal gaar ah ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ay ka fuliyeen degaanka Leego ay ku bur buriyeen saldhigyo Al-shabaab ku lahaayeen halkaasi.

Taliyaha ciidamada Danab ayaa sidoo kale sheegay 10 dagaalyahan oo Shabaab ka tirsan in lagu dilay hawlgalkaasi qorsheysan.

Sidoo kale waxa uu sheegay Taliyaha saldhigyada ay ciidamada bur buriyeen in Al-shabaab ay ku qaadi jireen lacago loo yaqaano Zakawaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here