Sida qorshaha uu yahay maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa gelinka dambe in la dhaariyo Wasiirada cusub ee Khamiistii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre xilka u magacaabay.

Guddiyada Joogta ee Golaha Shacabka Somaliya ayaa oo Villa Hargaysa kulan ku yeelan doona gelinka dambe ayaa dhaarin doona saddex Wasiir.

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Axmed Cawad ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, sidaasina waxaa xaadir ku ah dhamaan saddex Wasiir ee cusub.

Bogga Xiriirka Warbaahinta ee Golaha Shacabka ayaa lagu shaaciyay in Wasiiradan cusub maanta la dhaarin doono.

“Kulankaan ayaa Ajandihiisu waxa uu yahay Dhaarinta Wasiirada Magacaaban ee kala ah Arrimaha Gudaha,Dibada iyo Ganacsiga oo Khamiistii Tr.04/01/2018 uu Magacaabay Ra”iisul-wasaare Xassan Cali kheyre.” Ayaa lagu yiri qoraalka Guddiga joogta Golaha Shacabka.

Maalinta Berri ah ayaa la filayaa inay dhacdo xaflado xilalka ay kula wareegayaan masuuliyiintaan cusub ee galabta lagu dhaarin doona Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here