Gobolo kamid ah dalka Itoobiya waxaa mar kale dib uga bilowday banaan baxyo rabshada wata oo looga soo horjeedo dowlada, waxaaba banaan baxyadan lasoo sheegayaa in ay ka dhasheen khasaaro kala duwan.

Banaan baxyada xoogooda ayaa ka dhacay labo gobol oo kamid ah dalka Itoobiya kuna xoogan yihiin Mucaaradka, waxaana la xiray wadooyin kuyaala goboladaasi waxaa sidoo kale xirmay ganacsigii halkaasi ka jiray.

Ciidamada Itoobiya ayaa awood u adeegsaday dadka banaan baxyada dhigayay, waxaana la sheegay in dad ku dhinteen kuwa kalana ku dhaawacmeen rasaas ay ciidamada u adeegsadeen dadka dhigayay banaan baxyada.

Dhanka Kale Waxaa maalintii Afaaraad galay wadahadalo magaalada Nairobi uga furmay ONLF iyo Itoobiya, waxayna ka socdaan goob qarsoodi ah.

Afhayeenka ONLF Cabdiqaadir Xasan Hirmooge ayaa warbaaahinta Uxaqiijiyay dhab ahaanshaha, Raajo wayne ka muujiyay in wadahadalada ay si wanaagsan ku socdaan, lagana soo saari doono war saxaafadeed.

Ma ahan markii ugu horeeysay ee ay wadahadlaan Itoobiyo iyo ONLF, laakiin waxa ay u egtahay in kuwan ay aad uga miisaan culusyihiin kuwii hore.

Hirmooge, oo la waydiiyay moowqifka jabhadda ee wadahadala ayaa yiri “Barnaamijka siyaasiga ah ee ONLF ayuu ku xusanyahay in khilaafka Ogaadeeniya iyo Itoobiya lagu xaliyo hab wadahadal ah, mana ahan markii ugu horeysay, 1989-kii ayaan wadahadalnay, 1990-kiibaan wada hadalnay”.

Dad badan ayaaa hadal haaayo iyaga oo ay qaarkood sheegeen in ONLF ay lumisay Furso badan oo dadka deegaanka Hormar uhorseedi lahaa, hadii ay mar hore laheshiin lahaayeen halkaasna ay ku bad baadi lahaayeen dad fara badan oo hada geeriyooday iyo dadkii ay ka bexeen.

sidoo kale waxaa jira qaar qaba in hada itoobiya ay bur bur ku dhaw dahay taasna ay tahay in in ONLF sanado baadan ka dib maarkii ay guusha dhawaatay in is dhiibeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here