Horjoogayaasha alshabaab ee Gobalada Bay iyo Gedo oo isku Soo dhiibay Dowladsa Soomaaliya sida ay tabaisay Warbaahinta Ciidamada Qalkabka sida.

Guddoomiyeyaashaan oo lagu kala magacaabo Macalin Geedoow aadam iyo Shiikh Cabdiraxmaan Fiidoow ayaalabada isku soo dhiibay dowlaa waxa ayna sheegeen in ay ka laabteen fikirkii hore ee ay ku raaceen alshabaab islamrkaana wixi hada ka dambeeyay ay la dagaalami doonaan alshabaab.

Geeddow oo la hadlay Idaacada codka Ciidamada qalabka sida ee hoos tagta Radio Muqdisho  ayaa sheegay in isaga iyo C/raxmaan Fiilow ay ka soo baxeen Shabaab, kaddib markii ay bedeleen fikirkii ay ku balansanaayeen iyga iyo Alshabaab, waxa uuna ku eedeeyay in ay lee yihiin dano gaar ah oo aan ahayn dano dadka iyo dalkaba faaiido uleh.

ilaa hada Majirto wax war ah oo ka soo Xukuumada Soomaaliya oo ku aadan hoggaamiyeyaashan ka tirsan Shabaabka ee sheegay inay isaga soo baxeen isla markaana ay Dowlada Isku soo dhiibeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here