Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa markii u horeysay ka hadlay arrintii dhiibidii Salkaakii ka tirsanaa ONLF C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax, kaasoo bishii August ee sanadkii hore loo gacan geliyay dowladda Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa su’aashan uga jawaabay mid ka mid ah dhageystayaasha BBC-da oo su’aal soo weydiiyay barnaamij markii hore loogu tala galay inuu Toos u baxo, balse markii dambe loo bedelay mid duuban.

Wareyaha BBC Somali Cali Nuur Salaad ayaa weydiiyay su’aal dhageystayaasha soo weydiiyeen oo ku saabsaneyd arrinta dhiibidii Qalbi Dhagax, waxaana jawaabtiisa noqotay inuu taageersan yahay go’aankii Baarlamaanka ka qaatay kiiskaas.

“Su’aashaasi runtii waa su’aal muhiim ah, waxaan ognahay in baarlamaanka ay ku sameeyeen dood, ayna kasoo saareen warbixin, ayna u codeeyeen, maxaa yeelay iyagu waxaa weeye, waa hay’adda ugu saraysa ee sharci dajinta, markay codeeyeene waxay gaareen go’aan, waxaan aaminsanahay in go’aankaasi uu yahay kama dambeys”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo u muuqatay in aanu ku raaceysan go’aankii Golaha Wasiirada ka qaateen dhiibidiisa

Hase ahaatee wareysi uu dhowaan bixiyay Taliyihii hore NISA C/llaahi Sanbaloolshe oo wax laga weydiiyay arrintii Qalbi Dhagax ayuu ku gaabsaday inuu ahaa go’aan amniga qaranka, isla markaana uu ahaa mid dowladda gaartay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here