Waxaa faah faahino horu dhac ah ka soo baxayaa Dagaal khasaara gaystay oo maanta ku dhex maray Isgooyska tarabuunka ee magaalada muqdisho ciidamo kawada tirsan Dowlada Soomaaliya.

iya oo saacad kahor lagu dagaalamay tarabuunka ayaa waxaa haatan lagu soo sheegayaa goobtii lagu dagaalamay Xasilooni inkastoo dadka ay wali ka sheekaynayaa xaaladii kala Cararka ahayd ee ka Daqiiqado ka hor.

Dagaalka ayaa l sheegay in uu dhaxeeyy Ciidamada Ay tabarto Dowlaa Imaaraatka Carabta iyo Ciidanka Howlgalka Xasilinta Caasimada.

Dad Goobjoogayaal ah oo kuganaa tarabuunka ayaa sheegaya in illaa afar qof oo labo ka mid ah ay ahaayeen ku dhinteen, halka kuwa kale ay ahaayeen askar.

Ugu danbayn waxaa la sheegayaa in uu ka dhshay Dagaalka ka dib markii ay xirteen Ciidamada uu Imaaraatka tabaro wadad Isku xirta tarabuunka iyo 30 ka taas ay ciidamada Xaslinta doonayeen in ay isticmaalaan, Ciidamada loo Imaaraatka oo wadada dhexdeeda ku leh Fadhiisimo iyo aagag fara badan ayaa usuura gashay in ay la wareegay mid ka mid ah gaadiidka dagaal ee Ciidamada Xasilinta Caasimada, waxaana ay la aadeen xero ay ku leeyihiin agagaarka Isbitaalka Xooga oo ay saldhigooda ugu wayn ku leeyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here