Masuuliyiin Ka tirsa Gudiga Madaxa banana Ee Doorashooyinka Qaranka Ayaa Shaaca ka Qaaday in Doorashada kur siga uu ka geeriyooday alaha u naxariistee Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin uu ku guuleysatay Cabdullaahi Faarax Wehliye Ahna Wasiiru Dowlaha Wasaarada Arimaha Gudaha Dowlada Fadaraalka Ah Ee Somalia.

Kursigaani Ayaa waxaa ku tar tamaayay ilaa iyo sadax xildhibaan oo kala ah Cabdullahi Faarax Wehliye ,

Maxamed Cilmi Afrax ,

 Cabdulle Faarax Xirsi

Mudane Cabdullaahi Faarax Weheliye Ayaa waxa ay kuusha ku raacday codad gaaraya ilaa 28-cod, halka Maxamed Cilmi Afrax uu isna helay ilaa iyo 17 cod Waxa ay sidoo kale gudiga doorashooyika qaranku xxaqiijiyeen musarasha sadaxaad oo lagu magacaabo Cabdulle Faarax Xirsi uu helay 3-cod, iyadoo Sadex cod oo kalena ay halaabeen , waxaana sidaasi ugu guuleystay kursiga Golaha Shacabka Cabdullaahi Faarax Weheliye.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo natiijada ku dhawaaqday ayaa shaaca ka qaaday in doorashadu u dhacaday si sidii loogu talo galay, islamarkaana dadkii ka qeyb galay ku amaantay hanaanka ay u ilaaliyeen shuruucda Doorashada.

Musharax Cabdullaahi Faarax Weheliye oo doorashada ku guuleystay ayaa uga mahad celiyey Guddiga Doorashooyinka sida wanaagsan ee ay wax u maamuleen,

waxaana ku bogaadiyey Musharaxiintii la tartamay sida ay u aqbaleen Natiijada.

Kursiga loo tartamay ee Golaha Shacabka waxaa ka geeriyooday Allaha U naxariistee Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin oo dhawaan ku geeriyooday wadanka  India.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here