War hada soo dhacay ayaa sheegaya in rag watay Gaari Nooha ah ay sumeeyeen hooyin ka shaqeeyay Dolwda hoose ee xamar.

Haweenka ka shaqeeya Nadaafada Dagmada Cabdicasiis ee Gobalka Banaadir ayaa lagu buufiyay wax loo malaynayo in ay yihiin Sun, waxaana ku buufiyay Rag watay Gaari Noha ah kaas oo lahayn wax taargo ah sida ay baahisay idaacad KNN ww magalada Muqdisho.

Hooyooyinka Sunta lagu buufiyay tiradooda waxa ay gaareysaa 9 ruux waxaana  hada la soo warinayaa in Afar kamid ah Haweenkaasi ay iliitaan Sunta.

warka soo baxaya ayaa intaas ku daraya in uu isbadalay ku ymid jirkooda, waxaana loola caray  kuwaas oo loo qaaday Spitaalka Erdugan ee Ex Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Maamulka Dagmada C/casiis ayaa ayaa xaqiijiyay dhacdadaan oo aan horay looga baran Muqdisho iyo Guud Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here