Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo goor dhoweyd soo gaadhay magaalada Garoowe ee caasimada Maamulka Puntland ayaa kaga dhawaaqay Fagaaraha Roxiyada Afkaarta shacabka Puntland ee Barxada warkii ugu cuslaa, isagoona ka dhawaaqiyey madaxweynuhu in hada wixii ka dambeeya uu Booqashooyin badan ku iman doono deegaanada Puntland.

Farmaajo ayaa sidoo kale raali gelin buuxda ka siiyey shacabka Puntland soo daahitaanka uu kasoo daahay madaxweynuhu ka Booqasho ahaan, waxaana uu si weyn u amaanka madaxweyne Farmaajo amaanka magaalada Garoowe oo uu ku sheegay in ay tahay magaalada ugu amaanka wacan gayiga Soomaaliya.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhexda u galay boqolaal shacab ah kuwaas oo dusha ku qaaday madaxweynaha, waxaana uu shacabka u jeediyey qudbad aad u dheer oo dhinacyo badan taabanaysay taas oo uu kala hadlay is badalka ka dhacay dalka Soomaaliya, hirgelinta Himilooyinka dalka, dhaqaalaha, shaqooyinka iyo doorka dowladdiisa ka qaadanayso amaanka dalka.

Waftigan maanta soo gaadhay magaalada Garoowe ee uu hogaaminayo madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa kamid ah wasiiro, xildhibaano iyo masuuliyiin kale, waxaana inta uu ku sugan yahay madaxweynuhu gudaha Puntland shirar la qaadan doonaa madaxda Puntland, waxgaradka iyo isimadda dhaqanka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here