Wararka  haaatan haatan ka helayo degmada Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in  dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Somaliland.

Dagaalkani oo soconayey muddo saacad ah ayaa yimid kadib markii ciidamada maamulka Somaliland saaka ay kasoo ruqaasadeen deegaano ka tirsan gobolka Sool halkaas oo ay fadhiisino ciidan ku leeyihiin, waxaana dagaalka oo aad u sii xoogaysanaya dhawaqa rasaasta laga maqlayaa qaybaha kala duwan ee magaalada Tukaraq.

Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la sheegay in laysku adeegsanayo, waxaana aan la ogeyn ilaa hada khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo haatan ku sugan gudaha magaalada Garoowe ayaa la sheegay in bartilmaameedkoodu uu yahay ciidamadani duulaanka soo qaaday sida ay sheegayaan qaar ka mid ah dad deegaanka dadka deegaanka.

Xaalada degmada Tukaraq ee gobolka Sool ayaa maanta aad u culus, waxaana jira gurmadyo iskaga kala imaanaya qaybaha kala duwan ee gobolka kuwaas oo xoojinaya ciidamada ay ka kala tirsan yihiin ee Puntland iyo Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here