Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow si rasmi ah u furay shirka Golaha Amniga Qaranka, kaasoo ka socda xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Shirka oo socon doona maalmo ayay wararku sheegayaan in diiradda lagu saari doono arrimaha amniga, isku dhafka ciidamada qaran iyo sidii Ciidamada Soomaaliya loogu diyaarin lahaa inay amniga kala wareegaan

Madaxda shirka ka qeyb galeysa ayaa waxaa ka mid ah Madaxweyne Farmaajo oo shir guddoominaya, Ra’iisul Wasaare Kheyre, Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koofur Galbeed, Hirshabeelle, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yariisow iyo Taliyeyaasha Ciidamada.

Shirarkii hore u dhacay ayaa la sheegay in qodobadii laga soo saaray in aanay u qabsoomin sidii la rabay, iyadoo ay ka mid tahay qorshaha Amniga Qaranka iyo dhismaha Ciidamada qalabka sida.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here