Wasaaradda Difaaca Xukuumada Soomaaliya ayaa qaaday talaab dadwaynaha Ciidanka ay aad usoo dhaweeyeen, taas oo ku aadan soo bandhigtay qorshaha Saadka Ciidamada qalabka sida oo wax ka badal lagu sameeyay.

Wasiirka Gaashaandhiga, taliyayaasha Nabadsugida, Militariga, Asluunta, iyo Xildhibaano ka tirsan Gudiga Difaaca ayaa si wada jir ah waxa ay Muqdisho ugu qabteen Shir jaraa’id oo ay kaga hadleen Qorshaha ay soo bandhigeen, ee ah in Raashinka Ciidanka ee hada laga keeno dibada lagu badlo Midka Dalka ka soo go’a.

Gen. Maxamed Maxamuud Garabey oo ah Taliyaha Saadka ee Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in qorshahaan in ay horeyn Ugu tijaabiyeen Ciidamada ku sugan Xarunta Villa Baydhabo, waxana uuna sheegay in uu farqi weyn u dhaxeeyo dalagga ka soo baxa dalka iyo kan dibadda laga keeno,

sidoo kale waxa uu sheegay in uu xitaa qarasha ahaan iyo tayo ahaanba uu kan dalka uu faa’ido Badan yahay Shacabka iyo Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Gen. C/wali Jaamac Gorod taliyaha Ciidanka Xooga dalka iyo kan asluubta Gen. Bashiir Goobe ayaa labaduba waxa ay sheegeen in ay aa ugu wanaagsan tahay in wax laga badalo isla markaana ay ku dadaali doonaan sidii uu udhaqan gali lahaa.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Maxamed Mursal ugu anbayntii sheegay in fikirkan uu yahay mid aad u wanaagsan in ciidamada ay isticmaalaan dalagyada ka soo go’a dalka.
“Waa arrin aad u wanaagsan fikirkan,dalkasta waxaa uu leeyahay khayraad uu isticmaalo oo u gaar ah,marka anaga waxaan kaga bixi karnaa dhibaatada in aan horumarino dalagyada dalka ka baxa,taasi ayaa inoo sahlaysa in aan ka badbaadno in aan gacmaha hoorsano”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.
Fikirkaan ayaa waxaa lahaa soo jeedintiisa Taliyayaasha Ciidnka Xooga iyo Asluubta soomaaliya, Dadka faalooda Arimaha Ciidanka ayaa soo dhaweeyay ayaga oo ku tilmaamay Guul soo daahday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here