Faah-faahinyo Ayaa Ka Soo Baxaya Qarax Xoogan Oo Ciidamo Ka tirsan Keyna Lagula Eegtay  deegaano Hoostaga Gobolka Gado oo ay xiliigaa socdaal kumarayeen,

Waxaa Wararku sheegayaan in uu Khasaaro Xoogan Soo Gaaray Ciidamada Keyna Ee Halkaasi Marayay, Waxaana LaXaqiijiyay In Qaraxu Si Xoogan uu U Saameeyay Mid ka id Ah Gadiidkii Ay Wateen,

sidaasna ay uga tagen goobtii qaraxa lagu eegtay. Ugu Dambeyna waxa ay sababtay In Ciidama Kenya Bilaabaan Howlgalo ay Ku Soo Qaqabanayaan Dadka Deegaanka,

Ciidanka Kenya ayaa qab-qabtay tira dad ah oo u badan dhallinyaro xoolo dhaqata ah oo ka ag dhawaa Sida La Sheegay goobta uu qaraxu ka dhacay.

Dadka La Soo Xeray Ayaa Gaaraya Illaa 7-qof,  masuuliyiin ka Tirsan Maamulka Gobolka Gedo Ayaa Sidaasi inoo Xaqiiyay,

waxaaa dadka deegaanka qaarkood iyo Masuuiyiinta Jubbaland ugu magacaaban gobolkaba ay inoo sheegeen in aan la ogeyn waxa ay ku sugantahay xaaladda dadka ay wateen Ciidanka Kenya ee lagu qarxiyey Gobolka Gedo.

Dagaalyahanada Uruka Alshabaab Ayaa sheegta inta badan masuuliyadda weerarada iyo qaraxya lala eegto Ciidanka Kenya iyo kuwa dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here