Barakac xoogan oo ka socda degmada Buula bude

Barakac balaaran ayaa ka socda Degmada Buulo Barde ee Gobolka Hiiraan iyada oo laga soo sheegaya halkaasi in laga cabsi qabo in uu samayn ku yeelato fatahaada Webiga Shabelle oo malmihii ugu danbeeyay meelo badan oo dalka ka mid ah ka jiray.

Dadwaynaha Buulo Barde ayaa shalay bilaabay in ay guryahooda ka ka guuraan, waxa aynaha gaaraya deegaanada ka baxsan degmadaasi ee la filayo in aanu wax saamayn ah ku yeelan hadii uu fatahaadaha Webiga Shabelle.

wararka laga helayo Magaalada ayaa sheegaya in wabiga uu ku Degmada, malinimadii shalay ayaana la soo wariyay in ay ahayd maalinkii uu ugu sameeynta badnaa, wxanaana maanta laga dareemayaa magaalada barakac hor leh oo ka soconayo Degmada Buulo Barde, ayna dadku ka baxayaan waxyeelo ka soo gaari karta fatahaadaha.

Gudoomiyaha Kumeel gaarka ah ee Degmada Buulo Barde, Liibaan Cabdi Nuur ayaa sheegay in fatahaadaha Webiga Shabelle ay saamayn xoogan ku yeesheen isu socdka labada qaybood ee magaalada si gaar ah bariga magaalada, iyadoona ay go’an yihiin inta badan wadooyinka, waxaana uu hakad ku yimid sida uu sheegay isu socodkii gaadiidka ee buundada.

About Staff

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*