Gabaygii Marinka ee Danjire Cumar Carte Qaalib tiriyaya sanadkii 1968kii

Gabaygan wan tiriyey Danjire Cumar Carte Qaalib oo marka uu tiranayay gabay  ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya.

Danjite Cumar carte  waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa sanadkii 1930kii.
Tacliinta hoose waxa uu ku dhammaystay Hargeysa, dabeedna waxa uu galay dugsi macallimiinta lagu tababaro 1947kii, oo uu ku dhammaystay tacliinta dhexe, isaga oo ka braty macallinimadana digsi ku yaala Magaalada Sheekh.

Isla magaalada Shiikh ayuu Tacliinta Sare ku dhammaystay, dabeedna Jaamacad ku taal dalka Ingiriiska oo la yiraando Saint Paul’s ayuu ka bartay macallinnimada iyo cilmiga Bulshada (Social Studies).

Sanadkii 1959kii waxa uu noqday guddoomiye ku xigeenka Magaalada Hargeysa, 1961kiina waxa uu noqday guddoomlyahas degrnada Ceerigaabo.

1962 kii waxa uu u wareegey Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo uu jagooyin kala duwan ka qabtay.

Gabaygan soo socda marka uu tirshey waxa uu ahaa Danjiraha Dawladda Soomaaliyeed u fadhiya Addis Ababa, waana 1968kii, waqtigaas oo Cumar Carte doonayay in uu ka qayb qaato tartankii doorashada Kuraasida Barlamaanka loo galay tartankaas isaga ah Carte waa uu ku guulaystey waxaana laga soo doortay Mgaaladii uu ku dhashay ee Hargeysa.

21kii Oktoobar 1969kii marlkii Kacaanku dalka qabsaday waxa loo doortay Xoghayaha Arrimaha Dibedda.

Cumar Carte waxa uu la kulmay maan ifsan, dareen qarannimo kas ah, aqoon iyo aragti u foojigo leh milgaha iyo horukaca Ummadda Soomaaliyeed.

Intii uu macallinka ahaa ardayda waxa uu ku guubaabin jirey dalka hooyo inay si hufan ugu adeegaan, cilmiga ay bartaanna bulshada Soomaaliyeed horukac ugu hoggaann shaan, xumaatada iyo naca qabyaaladdana ku tiraan.

Cumar ardayda waxa uu ku hanuunin jirey gabayo, heeso, riwaayado, iyo tusaalooyin af-Carabi ama Af-Soomaali ah,

1954kii markii Ingiriisku ku dhawaaqay in Hawd iyo Riseef Eeriya Amxaarada lagu wareejin doono. gabay of Carabi ah ayuu tirshey uu ku tilmaamayo tabaha gumeysigu dalka Soomaalida ku kala qoqobay, dadweynahana ku guubaabinayaa dabarka gumaysiga inay jaraan, xaqoodana ay dhacsadaan.

Cumar Carte gabayo fara badan oo of Soomaaliya ayuu tiriyey, hase ahaatee, halkan waxa aan ku soo qaadi doonaa gabay uu tirshey 1968, markaas oo uu doonyey in uu galo Baarlamaanka si tiigaaladiisa ku ekayd in Soomaali uu horukac u hoggaanshana u rumowdo.

Murtida gabaygu waxay bartilmaameed u tahay jacaylka uu Cumar Carte u qabo milgaha qaranka Soomaaliyeed, waayo aragnimada uu u leeyahay dhibaatooyinka Soomaaliya haysta, maan iyo aragti ifsan rabta, aqoon, cilmi, karti, iyo yaqiinta diinta Islaamka iwm.

Dunidaba macaankeedu waa. maalmo kuu qorane,
Magac baa ka hadha maalintay, maro ku saaraane.
Middaan doonayaa, waa dadkoo hela muraadkiise,
Miyi iyo magaaloo daryeel, laga maseeyaaye.
Dhallinyarada waxa lagu maslaa. qoom malaalg ahe,
MadIabkooda waa in uu gartaa, kii mas’uulihiye.
Midday tabanayaan baan rabaa, in aan u muujaaye.
Mudannada dirayska leh kuwaa, qalabku maareeyey.
Waatay maalintil loo ogaa, cadow muquurrheene.
Magacood ha raagee iyagaan, maanka ku hayaaye.
Milic iyo mahiigaan kuweer, meel walba u miigan.
Madfacoc holcayiyo, Garnayi kuwanka maagaynin,
Markaan hurudno kuwa meerayeem magaca dhawraaya,
Mas hadduu qaniiniyo hadduu, aarku miciyeeyo,
Kuway mayadu xaaraan ka tahee, maaha odhanaynin,
Masiibadu markay dhici kuwaa, laysku maageero,
Maskaxdayda Eebbaa ku qoray, meel aan joogaba e,
Culimada maqaankoodu waa mid, aan la moogayne,
Masalooyin wixii diinta iyo gala, mastuurteenna.
Waa in aan ka maqallaa siduu Maxamed, noo shee-gay.
Dhidid kooda kuwa maalayee, muruqa duubaaya.
Ee shaqada noo maamulee, lana masruufaynin,
Magac iyo abaal biiray bay, maalin uun heliye.
Fannaaniinta maamusa waa, lagama maarmaane.
Waddan wuxuu ku muuqdaa iyagoo, meel walba u maraye,
Magacoodu waa inuu kacaa, lana milgeeyaaye.
Haweenkana mid baan odhanayaa, lala masuugaaye.
Magacaa baxay ee waxaa tihiin, laba midkoodiiye.
Muunaddii adduunkaa tihiin, midigta reeraaye.
Inkastoo muraayad utihiin, maanta camalkeeda.
La’aantiin lib lama maali karo, muranku waa dhiife.
Marwooyinow mikeenni hore iyo, magaca nooleeya.
Intaa mariyaye bal aan murtida, miinka ka higgaadsho.
Nin kii magan Ilaahay ku lira, looma maar helo e.
Makastura hadhbav moodi jira. malaha hoosiise,
Is ma moogin saaxiibbaday, talana waa meeleh,
Inkastoon macaan raaxo qabo, maaha taydiiye,
Ergis lama majeertoo tantadi, malaha tilgaale,
Maxaa iiga dana Minilig iyo, Xayle minankooda.
Magaalooyinkeennoo dhismaan, maanka ku hayaaye.
Mugdigaa jahligu keenay baan maydha leeyahaye
Cudurrada na miidhaan rabaa inaan maqiiqnaaye.
Baahidaa na maaftaan rabaa, inaan mar tuurnaaye.
Dhirteennaa magooshaan rabaa, Man midhaynaaye.
Macdanteenna dihin baan rabaa, inaan ku maalaaye.
Intu muruqu ii adag yaheen, muran awoodaayo,
Soomaali waxaan dhaar ku maray, in aan mideeyaaye
Maabka Afrikaan doonayaa, inay ka muuqdaane.
Meeshii nagu haboon baan rabaa inaan Midaynaaye
Muslinkaa la ciilaan rabaa, inaan maciinaaye.
Eebbow muraad kayga qumi waa. midkaan idhi eh.
Adigaan mildhaw iyo lahayn, maagga aadmiga e
Eebbow adaa magan gudee, marinka hay seejin
(F.G) Gabaygani intan kuma dhamma waxa uu lee yahay tuducyo kale ooaan na soo gaarin wali iyagane waxaan ku dadaali doonaan sida uu nagu soo gaari lahaa insha allah..

https://mukhtargure.blogspot.com/2019/11/gabaygii-mrinka-ee-danjire-cumar-carte.html

About Staff

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*