Arsenal oo Kabtanka u magacowday Pierre-Emerick Aubameyang

Warkaan waxaa xaqiijiyay tababare Unai Emery oo shir jaraa’id qabtay ka hor kulanka Europa League ay la ciyaarayaan kooxda Guimaraes.

Xiddiga reer Switzerland ayaan weli u ciyaarin Gunners tan iyo markii ay isku dhaceen taageerayaasha Arsenal markii la bedelayay kulankii Crystal Palace ee 10 maalmood ka hor la ciyaaray.

Xhaka ayaa qayb ka ahayn kooxda u safartay Portugal ee ciyaareysa kulanka Europa League waxaana laga xayuubiyay kabtanimada kooxda iyada oo si rasmi ah loogu dhiibay weerara yahanka halista badan ee Pierre-Emerick Aubameyang kaas ahaa kabtanka kooxda kulankii Premier League ee ay barbaraha la galeen kooxda Wolves.

 

About Staff

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*