Hogaamiyaha Xisbiga wadajir oo sheegay inAhlusunna horay ayaan uga dignay in lagu ballan furo Madaxwayne Xaaf

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay inuu horay uga digay Ahlusuna in aysan ku ballan-furin Madaxweyne Xaaf, kuna kadsoomin heshiiskii qarsoodiga ahaa ee ay horay u wada galeen dowladda Federaalka, kaasoo dhowaan Ahlusuna ku eedeysay inay dowladda ka baxday heshiiskaas.

“Ahlusunna horay waxaan uga dignay in aysan ku ballan furin Madaxweyne Xaaf, kuna kadsoomin heshiiska khudba sirada ah ee dhaldhalaalka iyo dhalanteedka leh ee kooxda Nabad iyo Nolol, Dhegaha ayey ka furaysteen, In badan oo dadka deegaanka ah oo siyaabo kala duwan u xariirnay ayaa ku faraxsan in Ahlusunna laga itaal roonaaday, meeshana laga saaro, waxay ku doodayaan in Ahlusuna a yihiin caqabad deegaanka kaga horgudban dawladnimo iyo horumar nololeed, Waa dood macno samayn karta, haddii kuwa Ahlusuna laga adkaysiinayo ay iyaga wax dhaami laahaayeen”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Waxaa uu sheegay in aan la inkiri karin Ahlusuna ay deegaanka u keeneen Nabad, kana difaaceen Al-Shabaab, sidoo kale waxaa uu xusay in aan la dafiri karin inay ku guuldareysteen ka mira dhalinta guusha iyo sidii ay ugu rogi lahaayeen mid dadku wada leeyahay oo dowladnimo iyo horumar horseeda.

“Haddaba dadka ku doodaya in Ahlusunna Alle dhinac u dhaafiyo, waxaa horyaalla imtixaan weyn waana in deegaanku uusan ASWJ u darsan, Dadka deegaanka waxey maanta haystaan nabadgelyo iyo in ay argagexiso iska daafaceen. Halbeegga lagu eegayo in Ahlusuna Wal-jameeca laga reystay waa inta ay hadda haystaan oo horumar nolol iyo maamul dadku wada leeyihiin lagu daray”ayuu yiri.

C/raxmaan C/shakuur ayaa yiri “Kooxda la baxday Nabad iyo Nolol ujeedkoodu dowlad dhisid maaha, horumar gaarsiin maaha, dib u heshiisiin maaha, deegaan xoreyn maaha. Waa sidee talada dalka ugu soo laabannaa 2020, Inta maanta ku faraxsan in Ahlusunalaga takhalusay, fariintaan iga gunta. Kooda Nabad iyo Nolol maalintii ay madaxweynahooda la soo baxaan ayaa idinku danbaysa, waxaana ku xiga isbaaro meel walba taal, Al-Shabaab deegaanka qabsada si toos ah ama si dadban, dadkoo macno la’aan loo dilo, ganacsiga oo isku socon waaya, canshuur xad dhaaf ah iyo dhac, amnigu faraha ka baxa, ku ballan fur cid walba oo maanta kala shaqeeyey in ay Ahlusuna ka takhalusaan, kaddibna la yiraa yaa Ahlusunna iyo Sheekh Shaakir meel ku sheega”

About Staff

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*