War Deg deg ah oo hada Naga soo gaaraya Muqdisho ayaa sheegaya in la dhaariyay Wasiiradii uu dhawaan Magacaabay Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Sida aan mar sii horaaysa idiin soo baahinaya waxaa maanta oo Axad ah qirshu ahaa in la dhaariyo Wasiirada cusub ee Khamiistii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre xilka u magacaabay.

Guddiyada Joogta ee Golaha Shacabka ayaana Xaarunta Villa Hargaysa kulan kula yeeshay kadibne si wada jir ah udhaariyay.

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Axmed Cawad ayaa maanta soo gaaray Muqdishoiyada oo horay usoo gaaray Wasiirk aArimaha Gudaha, sidaasina waxaa xaadir ku ahaa dhamaan saddex Wasiir ee cusub.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa 4-tii bishan magacaabay wasiiradan kadib markii uu shaqada ka eryey wasiiradii iyaga ka horreeyay.

La soco wixii ku soo kordha oo uu soo baahiyo waraiyaheena ku sugan Xarunta Villa Hargaysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here