Qarax khasaara xoogan geestay ayaa maanta ka dhacay bartamaha magaalaa caasimadda ah ee Kaabul.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo goobta qaraxa gaaray ayaa sheegay in 40 qof ay ku dhinteen halka 140 kalana ay ku dhaawacmeen,iyadoo goobtu uu ka dhacay qaraxa ay gaareen ciidamada dowladda Afganistan iyo madax kale.

Boliiska ayaa sheegay in qaraxaasi uu fuliyay Naftii halige waday gaari ambulance ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa,kaas oo ka dhacay meel u dhow dhismaha qadiimiga ah ee Wasaaadda Arimaha Gudaha,taasoo u dhow xafiisyada Midowga Yurub iyo xarunta golaha sare ee nabadeynta.

Kooxda Dhaalibaan ayaa sheegat mas’uuliyadda Qaraxa dadka badan ay ku dhinteen ee ka dhacay bartamaha magaalada Kabul.

Dhowaan ayeey aheyd markii Dhaalibaan ay weerareen hotel Intercontinental iyo Xarunta Save The Children

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here