Muqdisho Tuugo nooc aan horay loo arag bajaaj ku dhacay

Laba tuug ayaa isa soo raacay, waxay yimaadeen meel dadka waalan lagu hayo laguna Quraan saaro, maamulkii meesha ayeey la kulmeen, waxayna ku yiraahdeen “Waxaan kuu keenaynaa nin xanuunsan lakiin dadku umalaynayaan inuu roon yahay, marka aan kuu keeno rag xoog leh diyaarso si uusan u dagaalamin, lacagta 150 ahna waa khidmadiina”

Kadib waa baxeen magaalka ayeey ka fiirsadeen Bajaaj cusub nin wata, kadibna waa ka soo kiraysteen, xaruntii dadka waalan ayeey la soo aadeen, ninkii waxay ku dhaheen alaab ayaa nala qaadi soo deg, meeshii markii ay soo galiyeen ragii diyaarsanaa ayaa gardaduub u qabtay ninkii, tuugtiina furihii Bajajta ayeey ka qaateen, isagoo qaylin ayaa la kaxaystay, iyagiina Bajajtii ayeey qaateen.

Shan maalin ayaa la raadinayey ninkii Bajaj laha ahaa, kadib waxa laga helay Xaruntii dadka waalan, halkaas ayaa ninkii laga soo daayey, qoladii meesha lahaydna loo qabsday Bajajtii inay bixiyaan lacagteeda.

Xigasho: Diraac Fagaase

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here