“Aabahay Ayaa Iiga Digay Shiicada” Markii ay soo baxday Shiicadii Iiraan ee hogaanka u ahaa Khumayni

Sanadkiii 1979 ayuu hogaamiyihii Shiicada Iiraan ee Khumayni ku soo noqday Iiraan, ka dib 14 sano uu ku jiray mustaafiris uu ku joogay dalka Fransiiska, kuna guulaystay inuu abaabulo kacaan uu ku afgambiyay boqorkii IIraan Shaah Maxamed Reza Pahlafi, isagana loo caleemo saaray inuu noqday hoagaamiyaha sare ee dowladda Shiicada ee ka dhalatay Iiraan.

Xilligaasi waxaan arday ka ahaa Dugsiga Sare ee Xalane ee magaalada Hargeysa, waxaan kaloo ku taxnaa ururkii islaamiga ahaa ee la magac baxay “Waxdad Shabaab Islaami”, oo ahaa xarako islaamiya oo abtirsi fikriya la lahayd jamaacada “Ikhwaanu Muslimiinka” , saqaafadda dhalinyaradii WAXDADA oo ahayd mid ikhwaaniya ayaa keentay inaanu ku margan gaadhnay taageeradii ay hogaanka iyo mufakiriinta Ikhaanku kuwo ka midi siiyeen Khumayni iyo dowladdiisa, Murshidkii Cumar Talmasaani, Sh.Maxamed Al-Qasaali , Dr.Fatxi Yakun Ilaahay ha u naxariistee, Raashid Al-Qanuushi iyo kuwo kale ayaa ka mida ikhwaanka taageeray Kacaankii Khumayni.

Wargeyska Al-Mujtamac(Kuweyt) ayaa ku qoray cadackiisii 434 ee soo baxay 2/25/1979 baaq uu soo saaray Tandiimka Duwaliga ee Jamaacada Ikhwaanu Muslimiin, kaasi oo ay jamaacadu ku taageertay Khumayni iyo Kacaankiisa.

Wargeyska Ad-Dacwa ee ikhwaanka Masar soo saari jireen oo lagu iibin jiray Samatar Book Shop ee caanka ku ahaa Hargeysa, ayaan bil ilaa bil sugi jiray cadadka cusub si aan u iibsado, wargeyska oo dhan ayaan akhriyi jiray bilowga ilaa dhammaadka. Cadackii Ad-Dacwa ee soo baxay bishii Ugosta ee sanadkii 1979 ayaa lagu baahiyay su’aal uu wargeysku weydiiyay mufakirkii weynaa ee Sheekh Abu Acla Al-Moduudi -Ilaahay ha u naaxriistee- oo ku saabsanyd Kacaanka Khumayni ee IIraan, Jawaabta oon xiligaa laftiisa akhriyay ayaa ahayd sidan:

وثورة الخميني ثورة إسلامية والقائمون عليها هم جماعة إسلامية وشباب تلقوا التربية في الحركات الإسلامية وعلى جميع المسلمين عامة والحركات الإسلامية خاصة أن تؤيد هذه الثورة وتتعاون معها في جميع المجالات

“Kacaanka Khumayni waa kacaan Islaamiya, kuwa howshiisa hayaana waa jamaaco Islaamiya iyo dhalinyaro barbaarin kala kulmay xarakaadka islaamiga ah, guud ahaaan dhammaan Muslimiinta iyo gaar ahaan xarakaadka islaamiga ah waxa saaran inay taageeraan kacaankan, iskana caawiyaan dhinca walba.”

Xiligaa aan hadalkan akhriyay waxa ka soo wareegay 37 sano, laakiin si fiican ayaan u xusuustaa, waayo waxaan la noolaa , lana falgalay dhacdooyinka qadiyadan oo qabsatay warbaahinta aduunka, si weyna looga hadal hayey xarakada Islaamka oon ku dhex noolaa anigoon wali gaadhin 20 jir, laakiin Ilaahay caza wajala mahaddii aan qalbi iyo caadifadba ku dhex jiray xarakada Islaamiga ah, Ilaahayna waxaan ka baryayaa inuu igu sugu u shaqaynta diintiisa intaanu aduunyadan sii joogno.

Sh.Almowduudi oo ka mida mufakiriinta waaweyn ee qayb libaax ka qaatay naqdinta fikradaha lidka ku ah Islaamka , tiirna u ahaa Muslimiinta Indiya, waxaan filyaa hadduu arki lahaa waxa Sh.Dr.Yuusuf Qaradaawi ka arkay Shiicada iyo atbaacda Khumayni in Almowduudi bedli lahaa mowqifkaa uu ka qaatay Khumayni iyo dowladdiisa markay dhalatka ahayd sida uu Sh Qaradaawi u badelay mowqifkiisii uu mudada dheer ka haystay Shiicada.

Alustaad Cumar Talmasaani oo ahaa Murshidkii Ikhwaanu Muslimiinka ayaa yidhi:

(التقريب بين الشيعة والسنة واجب الفقهاء الآن)

“In laysku soo dhaweeyo Shiicada iyo Sunnuhu waa waajib saaran fuqahada xiligan” [Majalat Addacwa cadadkii 105 ee soo baxay, ee soo baxay Juulaay 1985.]

Ilaahay ha u naxariisto Ustaad Cumar, muxuu talow odhan lahaa maanta hadduu arki lahaa sida ay hal bacaad lagu lisay u noqtay howlihii lays lahaa iskugu soo dhaweeye Sunaha iyo Shiicada?

Xiligaa aan ardayga ka ahaa Dusiga Sare ee Xalane ayaanu waqtiga nusu saacaha ka niqaashi jirnay anagoo fadhina barxada dusiga.

Soomaaliya shiico kama jirin, waxbana kamaanu aqoonin shiico iyo caqiidadooda baadilka ah, inkastoo kuwo naga mid la dhaceen halku-dhigyadii siyaasiga ahaa ee uu Khumayni ku baaqay, haddana waxaan hubaa in dhaliyaradu aanay haabka ku hayn, waxbana ka ogayn caqiidadiisa iyo diintiisa munxarifka.

Abahay Sh.Cabdiraxmaan Kaariye رحمه الله ayaa maalin i maqlay anigoo hadal haya Khumayni, inkasta aanan xusuusnayn sababtaan u soo hadal qaaday, markiiba Fadilat al-waalid ayaa isagoo cadhaysan igu yidhi hadal macnihiisu ahaa “Khumayni waa shaydaan ”, markaasi ayuu bilaabay inuu ii wariyo waxay yihiin iyo waxay gudaanba, xitaa wuxuu ii sheegay mindiyaha iyo silsiladaha ay isla dhacaan maalinta Cashuura oonan waxba ka aqoon, horena u maqal. Ilaahay ha ka abaal aabahay رحمه الله mariyo hana ku cusleeyo miisaanka xasanaadkiisa maalinta qiyaamah sida cilmiyaysan ee uu iigu bayaamiyay khatarta shiicada iyo caqiidadooda baadilka ah, tii aabahay ii sheegay ayaan ilaa maanta xambaarsanahay oon tubteeda hayaa.

Markaan Marakaykan imid ayaan wax badan ka sii fahmay caqiidada Shiicada, maalin ayaan xusuustaa anigoo jaamacada ku cusubinuu arday Shiici Iiraaniyi igala hadlay dowladooda iyo Khumaynu, waxay ahayd markii iigu horaysay een Shiico la hadlo. Jaamacada dhexdeeda waxa ka jiray urur ay leeyhiin ardayda suniyiintu oo howshiisu aad uga badnayd ka ardayda Shiicada.

Xiliyadaasi aan ardayga ka ahaa jaamicada ayaa waxa gacantayda soo galay buugga uu Khumayni qoray ee la yidhii oo la yidhaa “Al-Xukuuma Al-Islaamiaya” , Buugga waxa ka buuxa caqiidooyin baadila oo qafkii akhriya daaha uga faydaysa xaqiiqada ah in aynaan nimanka isku diin ahayn, ceelna biyo ka wada cabin.

Buuggan iyo kuwa kale ee Khumayni qoray waxay caddaynayaan in Shiicada maanta iyo kuwii hore isku mid yihiin, shiicada maanta ee Khumayni horseedka u ahaa iyo kuwii ku xeernaa ay yihiin shiicadii hore oon biyo isku maydhin, caqiidada ay rumaysan yihiin tahay caqiidada uu Kulayni ku qoray buuggiisa Al-Kaafi ee udub dhexaadka u ah diinta Shiicada.

Dabinka ay dhalinyaro sunniyi ku sigteen inay ugu dhacaan dacaayada iyo borobagaandaha Shiicada ayaa ka dhashay laba arimood:

Shiicada Khumayni kama duwana Shiicadii hore
———————————————————–

Waa in lagu sheekeeyay in Shiicada khumayni ka duwan tahay Shiicadii hore, sidaan idhina buugaagta Khumayni iyo buugaagta ay Shiicada kale ee maantu qoreen ayaa beenaysay sheekadan aan waxba ka jirin, tusaale ahaan waxaan hoos ku tibaaxayaa hadalo uu yidhi halaagsamihii Khumayni.

Khumayni wuxuu rumaysnaa in imaamyada Shiicadu ka fadli badan yihiin Rushusha iyo Nabiyada siduu ku sheegay buuggiisa “Al-Xukuuma Al-Islaamiya”, wuxuu yidhi:

فإن للإمام مقاما محمودا و درجة سامية و خلافة تكوينية، تخضع لولايتها و سيطرتها جميع ذرات هذا الكون، و إن من ضروريات مذهبنا : أن لأئمتنا مقاما لا يبلغه ملك مقرب و لا نبي مرسل

“Imaamku wuxuu leeyahay maqaam la mahadiyay, darajo saraysa iyo khilaafo kowniya oo ay u hogaasantahay wilaayadeeda iyo maamulkeeda wax walba oo uunka ka midi, waxyaabaha lagama maarmaanka u ah mad-habkayaga waxa ka mida in imaamyadayadu leeyihiin maqaam (darajo) aanu gaadhin malag la dhaweeyayو iyo nabi la soo diray midna.” [Al-Xukuuma Al-Islaamiya: B 75]”

(2) Khumayni wuxuu Nabiga ku eedeeyay in aan la waafajin gaadhsiinta risaalada Islaamka, howshaana uu dhamystiri doono Mahdiga beenta ah ee ay sugayaan sida ku qoran buugga” مختارات من أحاديث وخطابات الإمام الخميني ” , wuxuu yidhi:

و حتى خاتم الأنبياء الذي قد جاء لإصلاح البشر، و تهذيبهم و تطبيق العدالة، فإنه هو أيضا لم يوفق، و إن من سينجح بكل معنى الكلمة و يطبق العدالة في جميع أرجاء العالم هو المهدي المنتظر

“Xataa Khaatam Al-Anbiyaa oo u yimid hagaajinta dadka, hanuunintooda iyo fulinta caddaaladu lama waafajin, qofka ku guulaysan doona ee ku fulin doona caddaalada dhammaan daafaha caalamku waa mahdiga la sugayo.” [ Mukhtaaraat min Axaadiis wa Khitaabaat Al-Imaam Al-Khumayni: 2/42] .

Waxa kale uu yidh sida ku qoran buugaكشف الأسرار“ :

و بالإمامة يكتمل الدين والتبليغ يتم .

“Imaamada ayay diintu kaamil ku noqonaysaa, tabliiquna ku dhamays tirmayaa” [Kashfu Al-Asraar: 154].

(3) Khumayni wuxuu rumaysnaa caqiidada “Waxdad Al-wujuud” ee kufriga ah, wuxuu ku yidhi buuggiisaشرح دعاء السحر :

لنا مع الله حالات هو نحن، و نحن هو، و هو هو، و نحن نحن.

“Waxaanu Ilaahay la leenahay xaalado, isagu waa anaga, anaguna waa isaga, isagu waa isaga, anaguna waa anaga.” [Sharxu Ducaa As-Saxar :103].

(4) Khumayniga la halaagay wuxuu simayaa oo isku mid ka dhigay Qur’aanka iyo tacaaliimta imaamyadooda, wuxuu ku yidhi buuggiisa الحكومة الإسلامية siadan;

تعاليم الأئمة كتعاليم القرآن

“Tacaaliimta Imaamyadu waxay la mid yihiin tacaaliimta Qur’aanka.”

Sestaani, Khaamani , hogaamiyaha Xizbul Shaydaanka Lubnaan iyo kuwa la midka ah ee dhaxlay kacaankii sharaysanaa ee Khumayni, hormoodkana ka ah isbahaysiga Shiicada, iyaguna waxay rumaysan yihiin caqiidooyinkan kufriga ah, kufriyaadkan waxa u dheer in diintoodu ku salaysan tahay nacaybka Saxaabada iyo cayda zawjaadkii Nabiga رضي الله عنهم . Waxaanan hubaa nin ku khamaaraya diintiisa ayuunbaa nimankan gacal iyo sokeeyo ka dhiganaya.

Waa tani dacaayaddii beenta ahayd ee Shiicadu rabtay inay ku beer laxawsato dhalinyarada Suniyiinta ah sanadihii siddeetanada, laakiin Ilaahay ayaa kashifay beentooda, waxana sida qoroxda dharaarta cad u muuqday in aanu jirin farqi u dhexeeya caqiidada Shiicadii hore iyo kuwa maanta, kufriyaadku waa kufriyaadkii, beentu waa beentii , khuraafaadku waa khuraafaadkii, bidcaduna waa bidcadii lafteedii, wax is bedelayna haba yaraatee ma jiraan.

Shiicadu ma waxay rabaan inay inla midoobaan?
——————————————————————-
Waxa kale oo dacyaaddii rakhiiska ahayd ee Khumayniyiintu cuskatay tiir jabay, waxay garabsatay been uu waji gabax ka raacay, taasi oo ahayd in Shiicadau iska Ilaabeen khilaafaadkii hore, rabaana in iyay suniyiinta la midoobaan, kacaanka Iiraan ee Khumayni hogaamiyana ujeedadiisa ugu weyni tahay inuu u gargaaro dadka la daciifsaday.
Waxay maalmuhu inoo sheegeen, dhacdooyinka taariikhda kacaankii Khumaynina ka dhex daalacnay in dowladdiisu tahay dowlad Shiiciya oo u dhalatay hirgelinta caqiidada Raafidada, kuna taamaysa inay u gogol xaadho Mahdiga beenta ah ee ay sugayaan.

Xasuuqa ay ka gaysteen Ciraaq iyo Suuriya ayaa inoo tabinaya ijraamka iyo waxshinimada Shiicada iyo colaadda xun ee ay u hayaan Suniyiinta. Gacan ku dhiiglayda Al-Xashdi Ash-Shcabi, Xizbul Shaydaanka Lubnaan iyo Maleeshiyaadka Iiraan ee uu hogaaminayo mujrimka Qaasim Sulaymaani ayeynu aragnay sida cadaawadda gaamurtay ku jirto ee ay u gumaadeen suniyiinta Ciraaq iyo Suuriya, iyagoon xataa u aabo yeelin caruur, ciroole iyo haween midna.

Taariikhda waxa ku xariiqan oon lagag tirtiri karayn in Shiicadu mar walba la safteen cadowga Islaamka, ahaayeen waran Muslimiiinta lagu doc wareemayey qaybtii ay,dowladdii Cubaydiyiintii ku lahayd qabsashadii ay Salibiyiintu qabsadeen Baytul Maqdis sanadkii (492-1098), Xashaashiyiintii, khayaanadii Ibnu Calqami ku siray Khaliifkii Cabaasiyiinta iyo isbahaysigii uu la samaystay Hoolaako sidaana ku qabsaday Baqdaad, Khayaanadii ay Safawiyiintu ku sameeyeen ehlu sunaha, Siday Shiicadu isbahaysiga ula samaysteen Reer Yurub ugana soo horjeedsadeen Cusamaaniyiinta, intuba waa wajiga aan marna isbedelin ee khiyaanada iyo dhagarta ay Shiicadu kula dhaqmeen Muslimiinta, waana iyada lafteeda taanu ka aragnay shiicada maanta ee uu horseedka ka ahaa Khumayni, tubteedana ay wali hayaan Isbahaysiga Shiicada ee maantu.

اقرأ التاريخ إذ فيه العبر ** ضل قوم ليس يدرون الخبر

Taariikhda akhri waxa ku dhex jiro wax ku qaadashee

Way lumeen dad aan waxba ka war hayni

Waar yaan la noqon dameeri dhaan raacday .

Dr.Maxamed Sh. Cabdiraxmaan Kaariye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here