Faahfaahino ka soo baxaya Qarax Gaari oo ka dhacay Isgoyska sayidka ee Muqdisho

Qarax gaari ayaa goordhaw ka dhacay Isgoska sayidka ee magaalada muqdisho kaas oo dhaliyaykjasaaro kala duwan.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan waxaana laga maqlay inta badan xaafadaha Muqdisho, iyadoo ay weerar kala duwan ka soo baxayaan khasaaraha uu geystay.

Ciidamada ammaanka oo goobta gaaray iyaga oo wadada xiray, waxaana goobta atagay gawaarida gurmadka degdega ahiyaga oo halkaas ka qaaday dhaawacyada ka dhashay qaraxaas.

Gaariga qarxay ayaa ku jiray saf lagu baarayey gawaari sugaysay in la hubiyo, si ay u maraan Control ku yaalla halkaasi oo laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada Qaranka.

waxaa shaki badan laga muujiyay, qaabka uu gaariga qarxay ku gaaray Koontarool Sayidka oo ah meel aad u adag, iyadoo inta badan waddooyinka magaalada ay Ciidamada amniga ay xireen, oo aan gaadiid ka soo gudbi karin dhanka Wadada Wadnaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here