Qaasim Sulaymaani: Gacantay Iiraan ku Xasuuqday Sunniyiinta Suuriya iyo Ciraaq

Sulaymaani iyo ciidankiisu waxay masuul ka ahaayeen dhimashada iyo dhaawaca boqolaal kun iyo barakicinta malaayiin muslimiina oo reer Ciraaq iyo Suuriya ah, wuxuu dhulka la simay magaalooyinkii iyo tuulooyinkii muslimiinta, wuxuu guryahoogii iyo beerahoodii iyo suuqyadoodii ka qixiyay dumar iyo caruur iyo ciroolaba.

Qoraalkani wuxuu ku socdaa:

Nimanka sunniyiinta ah ee ka calaacalay dilkii Sulaymaani iyo kuwa u baroordiiqay.

Kuwa ay mawaaqifta siyaasigi kala weyn tahay asalada caqiidada ee sugan.

Kuwa leh yaan juuqba laga odhan hadimooyinkii waxshiga ahaa ee ninkani u gaystay muslimiinta ciraaq, suuriya iyo meelo kaleba.

Kuwa raba in la iska iloobo taariikhda dhiigaysan ee tabinaysa halaagii, xasuuqii, gumaadkii iyo barakicii uu mujrimkani u gaystay musliiminta Suuriya iyo Ciraaaq isagoo sheeganaya inuu u aar gudayo Al-Xusayn bin Cal i(رضي الله عنه)!

Jiilalka muslimiinta ee mustaqbalka iman doona ee isku howli doona inay akhristaan taariikhda dhabta ah ee ummaddooda.

Intaa waxaan ku lifaaqayaa inaanu jeclayn in Sulaymaani ku tagi lahaa gacanta sunniyiinta Suuriya iyo Ciraaq ee uu qulaamiyay sun iyo waabeey, oo xaq u laahaa inay ka gooyaan wuxuu u gaystay iyo wuxuu ka galayba.

Dulucda Qoraalka:
————————
Caalimkii Hindiga ahaa ee Sheekh Abu Al-Xasan An-Nadawi ayaa ku sheegay buuggiisa (ماذا خسر العالم بانحطاط المسلمين), in mushkiladaha haysta muslimiinta ay ka mid tahay wacyi la’aani ( مشكلة الوعي). Waa hubaal in wacyiga fayo qabaa kaalin weyn ku leeyahay fahan-wadareedka ummad walba, ummadda uu liito wacyigeeda ku wajahan dhacdooyinka taariikhiga ah ee soo maray, muuqaalada xaaladaha hadda taagan iyo dhinacyada kala duwan ee cadowgeedu ka wiiqayo, waxa ku adkaata inay ka hinqato mushkiladaha ay ku dul hawaarto, kana gudubto musiibooyinka ka hor taagan horumarkeeda iyo inay gacanta ku dhigto ka-tashiga waayaheeda iyo arimaheeda si toosa iyo si dadban u raadeeya jiritaankeeda ummadnimo.Waxa iskaga darsama cadowga iyo saaxiibka, waxay kala garan waydaa danteeda iyo dheefteeda, kumana hanuunto siyaabaha ay kaga gaashaaman karto, iskagana caabin karto halisaha lala maagan yahay.

Ayuu ahaa Qaasim Sulaymaani?

Sulaymaani wuxuu ahaa shiici raafidaya oo ka dab qaatay wadaadada ka soo jeeda dugsi-fikradeedka ugu adadag mad-habka Imaamiyada shiicada raafidada ah sida Khumayni iyo Khaamini. Dugsi-fikradeedkani wuxuu ku caan baxay inuu ku talax tagay caqiidada raafidada ee ku dhisan arrimo aan lagu sheegi karayn diin iyo islaamnimo, waxaa intaa u dheer inay kooxdani oo gacanta ku haysay taliska Iiraan laga soo bilaabo kacaankii Khumayni ee sanadkii 1979, ay dusha u riteen iskana xil saareen mashruuc ku wajahan fidinta mad-habka shiicada kaasi oo ay rumaysan yihiin in loogu gogol xaadhayo imaatinka mahdigooda beenta ah ee ay sugayaan المهدي المنتظر inuu soo bixi doon kana aar gudan doono kuwii dilay Al-Xusayn bin Cali, oo taariikhdu caddaynayso inay shiicada laftoodu dileen, sida ay xataa xaqiijiyeen oo qureen kuwo iyaga ka mida.

Intaa haddaan ka soo gudubo, aan u gudo galno inaan daaha ka faydno doorkii iyo kaalintii uu Sulaymaani ku lahaa fulinta mashruuc sharaysan oo higsanaya istiraatijiyad yoolkeedu yahay arimahan:
1- In dil iyo xasuuq lagula kaco muslimiinta (sunniyiinta) ee ku nool meelaha iyo dalalka ay shiicadu beegsanayso.
2- In la bara kiciyo malaayiin muslimiina oo ku nool meelahaa iyo dalalkaa.
3- in la wiiqo caqiidada ehlu sunnaha, mashruucan xasuuqiddana lagu dhex wadoo mashruuc kale oo lagu faafinayo caqiidada shiicada.
4- Ugu dambayna in mandaqada laga abuuro jiritaan militare iyo xoog dowladeed oo gacanta ugu jira shiicada.

Haddaba mashruucan oo dowladda Iiraan ay maal gelinayso ayuu muddo dheer Sulaymaani hogaanka u hayay dhiniciisa militeri, waxa madax looga dhigay waxa loogu yeedho Ciidanka Al-Qudus oo loo magacaabay sanadkii 1998 kii. Ciidanka Al-Qudus waa koox gaara oo raacsan Ilaalada Kacaanka Iiraan, waxay masuul ka tahay howlgalada militari ee sirta ah ee laga fuliyo goobaha ka baxsan soohdimaha Iiraan.

Sulaymaani iyo ciidankiisu waxay masuul ka ahaayeen dhimashada iyo dhaawaca boqolaal kun iyo barakicinta malaayiin muslimiina oo reer Ciraaq iyo Suuriya ah, wuxuu dhulka la simay magaalooyinkii iyo tuulooyinkii muslimiinta, wuxuu guryahoogii iyo beerahoodii iyo suuqyadoodii ka qixiyay dumar iyo caruur iyo ciroolaba.

Si uu mashruuciisa xasuuqa Sunniyiinta u huwiyo sifo caalamiya, wuxuu u habar wacday raafidadada caalamka, wuxuu shiico qiiraysan ka keensaday aqaliyaadka shiicada ee laga tiro badan yahay ee Baakistaan, Afqaanistaan, Yamen, Lubnaan iyo khaliijka Carabta, oo lagu howl galinayo sheekada beenta ah ee dhigaysa in lala dagaalamayo
Kuwii dilay Al-Xusayn “قتلة الحسين”, iyo in loo aar gooyo aalu baytka.

Sulaymiini wuxuu doonay inuu Bariga Dhexe u qaabeeyo si waafaqsan danaha Iraan, Saxafiga Dekester Filkinis oo ka socday wargeyska New Yorker ayaa yidhi isagoo ka hadalay Sulaymaani, isagoo hogaamiye u ah guutada Al-Qudus wxuu “doonay siduu dibu habayn ugu sameeyo Bariga Dhexe qaab waafaqsan danta Iiraan”

Sulaymaani wuxuu ku dagaalamayay caqiido ugu suntanayd muqadas ahaan oo uu ugu hiilinayo kooxdiisa shiicada, iyo imaamyada raafidada Shiicada kuwa nool iyo kuwa dhintayba, wuxuu cagta ku hayey tubtii Khumayni iyo mida Khaamini ee ku suntan gumaadka Ehlu-Sunnaha iyo dhaxal wareejinta dhulkooda iyo hantidooda, sida Ciraaq, Suuriya, iyo Lubnaan.

Wargeyska New York Times ayaa ku tidhi maqaal ay faafisay dilkii Sulaymaani ka dib : “Wuxuu noqday wejiga dedaalka Iiraan ugu jirto inay Bariga Dhexe Ka dhisto degaan ay shiicadu xoog ku leedahay”.

Door-xuduneed halis ah ayuu ku lahaa musuubooyinka ku habsaday muslimiinta Suuriya iyo Ciraaq, wuxuuna ku howl galay siyaasd ku aadanayd “gumaadka cadowga iyo hubaynta xulafada”.

Dambiyada ku suntan xasuuqa iyo gumaadka ee mujrimkani ku kacay waa kuwo ka dhigaya qofkii ugu waxshinimada badnaa Bariga Dhexe, in kastoo ay jiraan kuwo Caraba oo iyaguba aan hadh u jiidin shucuubtooda, haddana ijraamka uu ka gaystay Suuriya iyo Ciriaaq kama yara kuwii uu gaystay Hoolaakihii Tataarku, bal kaba badan marka laga eego hubka uu Sulaymaani ku xasuuqay dadkii iyo meelihii uu sida arxanka daran u beegsaday, oo ah hub aanu Hoolaako haysan.

Sulaymaani wuxuu gacan weyn ku la lahaa dhicisowga kocdoonkii ay shacabka Suuriya rabeen inay iskaga ridaan heeryada taliska nusayriga ah ee Bashaar Al-Asad oo uu taageero militari oo dhinac walba isla barbar taagay., qaybna ku lahaa sidii waxshinmada ahayd ee loo xasuuqay Suuriyiinta.

Dhammaadkii sanadkii 2012, ayuu Sulaymaani si shakhsiya oo toosa gacanta ugu dhigay faragalinta ay Iiraan ku hayso dagaalada u dhexeeya dowladda Asad iyo xoogaga ka soo horjeeda, waqtigaasi oo Iiraan dareentay in dowladda Assad iska caabin karayn kacdoonka la doonayay in lagu mijo xaabiyo taliskiisa gacan kun dhiiglaha ah. Waxay kale oo Iiraan arkaysay in jab ku dhaca Asad ay keenayso in taliska Suuriya uu gacanta u galayo Ahlu Sunnaha, taasina ay tahay khatar soo food saartay danaha Shiicada ee dhul balaadhsiga ah, islamarkaana ay xayirayso istiraajiyada Iiraan ee ku wajahan ilaalinta garabyada ay ku leedahay Lubnaan iyo Suuriya iyo Ciraaq.

Sidaa awgeed, siyaasadda uu Sulaymaani ka fulinayay arlada Suuriya waxay ahayd mid ku suntanayd in qaab arxan daran loo xasuuqo sunniyiinta, si loo ilaaliyo danaha iyo masaalixda Shiicada oo kaliya, lana hor istaago abuuritaanka xoog Sunniya oo ka madax bannaan talisyada Carabta iyo beesha caalamka ee Galbeedku hogaamiyo.

Wargeyska New York Times ayaaa sidan tidhi iyadoo tilmaamaysa awoodda militere ee uu ninkani ku yeeshay Suuriya iyo Ciraaq: “Wuxuu bedelay qaabka uu u socday dagaalka sokeeye ee Suuriya, Ciraaqna wuxuu ku adkeeyay gacanta Iiraan.

Sulaymaani Iyo Maraykanka:
————————————-
Warar badan oo sugan ayaa sheegaya iuu Sulaymaani dilay dad Maraykana kuwa kalana dhaawacay, waxa la yaab leh una baahan in la is weydiiyo muxuu Maraykanku hore uga takhalusi waayay ninkani? Inta aanan ka jawaabin su’ashan bal ila fiiriya hadaladan ka marag kacaya wuxuu u gaystay Maraykanaka.He was behind hundreds of American deaths in Iraq

1- Madaxweynaha Maraykanka Dooland Trumb ayaa ku qoray bartiisa Twiterka :” Jeneral Qaasim Sulaymaani wuxuu dilay ama si xun u dhaawacay in muddo ah dhexdeed kumanaan Ameerikaana”, wuxuu Trumb ku daray hadalkiisa inuu yidhi: ” Waxay ahayd in sanado badan ka hor la khaarajiyo!” ” He should have been taken out many years ago!”.

2- Wargeyska ” The Times Of Israel” ayaa isaguna sidan qoray isagoo soo xiganaya war saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda difaaca ee Maraykanku: “jenaral Sulaymaani iyo ciidankiisa Qudus waxay masuul ka ahaayeen dhimashada boqolaal Ameerikaana iyo xubno ka tirsan shaqaalaha isbahaysiga, iyo dhaawaca kumanaan kaleba.

3- Wergeyska New York Times ayaa iyana sidan qortay : “He was behind hundreds of American deaths in Iraq” “ Wuxuu ka dambeeyay dhimashada boqolaal Amerikana oo Ciraaq lagu laayay”

Hadaladani waxay daaha inooga faydayaa in Maraykanku ka war hayayay dilalka uu Sulaymaani u gaystay Ameerikaanka, laakiin way u seeto dheereeyaan, waayo dantooda ayaa ku jirtay gumaadka uu ku hayay muslinka sunniga ah oo Maraykanku u arko cadowga dhabta ah ee loo baahan yahay in la dhalan dooriyo, bara kiciyo si loo xaqiijiyo mashruuca dibu habaynta Bariga Dhexe oo ay ku kulmeen danaha istiraatijiga ah ee Galbeedka iyo Israill iyo Iiraan iyo shiicadoo dhan.

Qodobkan aan halkan ku xusay waa mid muhiima oo loobaahan yahay inuu hoosta ka xariiqdo qof walba oo doonaya inuu fahmo loolanka ka aloosan Bariga Dhexe oo ay taalo ubacda ummadda Islaamku, isla markaana ay ka dhici doonaan dhacdooyinka aakhiru zamaanka ee ay hubaal tahay dhacdadoodu , kuwaasi oo baddeli doona xaaladaha dunida, qaab kalena u yeeli doona dhisamaha xoogaga ka jira dunida.

Laba isku cadowa ayaa danahooda istraatijigi ku midoobi karana ama ku kulmi karaan ujeedo kaliya oo ah iska caabinta xoog kale oo labadooduba ay dano istritjiyi ugu jiraan inay ka wada takhalusaan, waa fikir siyaasadeed aku howl galaan xoogaga dunida ku loolamaya maanta, waan waxa cilmiga siyaasdda loogu yeedho “تقاطع المصالح” .

Waxaanu ku qanacsanahay in Bariga Dhexe oo ah goobta ugu muhiimsan dunida Islaamka marka laga eego taariikhda, seddexda masjid ee ku yaala, iyo dhacdooyinka aakhiru zamanka ka dhici doona, ay tahay goob ay ku kulmeen danaha kooxo kala diina oo ah nasaarada oo Galbeedku hogaaminayo, Israa’iil iyo Shiicada oo ay Iiraan hor kacayso, intubana ay cadow u arkaan Muslimiinta ehlu sunnaha oo ay doonayaan inay is hortaagaan kacdoono shucuubtaa u horseeda madax bannaani dhaba.

Gabagabo:

Qaasim Sulaymaani wuxuu ahaa shiici raafidi gacan ku dhiigle ah oo muddo labaatan sano ah u howl galay siduu Bariga dhexe uga dhiso xoog militari oo lagu fuliyo ujeedooyinka diiniga ah iyo kuwa siyaasiga ah ee shiicada ay hogaaminayso Iiraan. Si uu u fuliyo ujeedooyinkan wuxuu Muslimiinta Suuriya iyo Ciraaq kula kacay xasuuq, gumaad iyo barakicin.

Dr.Mohamed Sheikh Abdirahman Kariye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here