Waa sidee howlgaladooda dibadda Xoogaga Quds ee uu hogaamin jiray Soleimani?

Cutubka lagu magacaabo Xoogaga Quds, ee uu hogaamin jiray Janaraal Soleimani, ayaa waxay goobaha ka baxsan Iran ka fuliyeen howlgalo, iyaga oo wakiil ka ah ilaalada kacaanka islamarkana waxay si toos ah u hoos tagaan hogaamiyaha ruuxiga, Ayatollah Cali Khamenei.

Waxaa la rumaysan yahay in xoogagga lagu magacaabo Qudus ay tiradooda dhan tahay qiyaastii 5,000.

Cutubkan ayaa waxaa loo daagureeyay Suuriya waxaana qeyb ka ah la taliyayaal militari oo daacad u ah madaxwaynaha Suuriya Bashar al-Assad.

Dalka Ciraaq, waxa ay taageereen maleeshiyaadka Shiicada oo iyagu ka adkaaday kooxdii la baxday dowladda Islaamka.

Balse, Mareykanka ayaa sheegay in xoogaggan Qudus ay door ballaaran ciyaaraan iyaga oo taageero dhaqaale, mid tababar iyo qalab siiya ururo ay Washington u aqoonsan tahay argagixiso kuwaasi oo ka howlgala bariga dhexe.

Waxaa ururadan ka mid ah ururka Shiicada ee Xisbullah iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Islamic Jihad.

Dhibaato dhaqaale iyo cunaqabateyno ayaa curyaamiyay hubka ay Iran dibadda ka soo dhoofsan jirtay, hubkaasi oo ah mid si aad ah u yar marka loo barbar dhigo dalalka kale ee gobolka.

Qiimaha qalabka difaaca ee Iran ay dibadda ka keensatay intii u dhaxeysay 2009 ilaa 2018-kii ayaa ah mid u dhiganta 3.5% marka loo barbar dhigo Sacuudiga isla sanadahaasi intii ay soo iibsadeen , sida uu sheegay machadka caalamiga ah ee cilmi-baarida nabadda ee fadhigiisu yahay Stockholm.

Inta badan waxay qalabka gaashaandhiga ay Iran ka soo iibsatay Ruushka iyo Shiinaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here