Lix waxyaabood oo laga takahliusin Al-shabaab lagama adkaan karo

1- Cadaw ayaa na soo weeraray. Ilaaheyna wuxuu Quraankiisa ku yiri markii uu Mu’miniinta sifaynayey waa kuwa iska dhiciya ama ka aarguta haddii lagu gaboodfalo ama lagu xadgudubo.

  • ‎وَالَّذِينَ إِذَا أَصَابَهُمُ الْبَغْيُ هُمْ يَنتَصِرُون. Mu’min laguma yaqaan in uu dulli iyo gaboodfal aqbalo.
  • Waxaa la iska rabaa waa in cadawga la iska dhiciyo lagana aarguto. Sida looga aarsan karana waa in meel looga soo wada jeedsado.
  • Taasina waxay u baahan tahay hoggaan horseed u noqda bulshada.

2 Ayaan dari ka wayn ma jirto in aan siino eray bixin khaldan falkii argagexiso ee Ex-Kontarool Afgooye ka dhacay.

  • Ma aha musiibo qaran ee waa weerar ay koox argagexiso ah soo qaadday, shacabkeeniina ku gumaadday.
  • Haddii aan ficilka argagexisada musiibo ku tilmaamno maxaan ugu yeeraynaa wixii gacanta bani’aadamka ka baxsan ee nagu dhaca sida, fatahaadda, dhulgariirka, abaaraha IWM.

3- Wiilasha argagexisada ahi cirika kama imaan, dad burji iyo burhaan dheeri ah lehna maaha, dad aan dhiman oo aysan xabbadu karinna maaha, laakiin waxay leeyihiin hoggaan, waxayna daacad u yihiin hadafkooda argagexiso, har iyo habeena way u soo jeedaan.

  • Haddii intoo kale la nimaado, waan iska dhicin karnaa, sababtoo ah innagaa ka tira badan, ka awood badan, dariiq xaq ahna ku taagan.

4- Argagexisadu waxay ku jiri karaan in ay mar walba geystaan falal arxan la’aan ah oo dadka fajac, anfariir iyo argagex ku rida, qalbigoodana cabsi ku beera, ayna isku muujiyaan in ay yihiin hummaag aan la arkaynin oo ay dadku ka baqaan.

  • Haddaba waxaa loo baahan yahay in dadka qabligooda baqdinta laga saaro, lana jebiyo derbiga cabsida iyo dareenka nafsiga ah ee dabraya awoodda ay u leeyihiin in ay argagexisada ka xoroobaan.
  • Taasina waxay u bahaan tahay in la helo hoggaan dhiirran, oo geesi ah, istiraatiijiyad iyo qorshe cad leh.
  • Waxaa hubaal ah haddii dabarka laga furo awoodda shacabka in ay dardarayaan argagexisada gummaadka iyo xasuuqa ku haysa.

5- Falka waxshinimo ee ay argagexisadu ku kacayaan waxay huwiyaan magaca Diin, si ay ugu helaan sharciyadda dhanka mooralka ah.

  • Aamusnaanta dadka ay shacabku u yaqaanaan Culimada Diinta, ee sheeganaya in ay Nabiyaddii dhaxleen waa caqabad ku gudban in ay shacabku cadawga iska xoreeyaan.

6- Hummaaga wirwirka ah ee Dowladda oo ay dadka ku hungaysanyihiin waa caqabad kale oo shacabka ka hortaaagan in ay heeryada gumaysiga iska xoreeyaan.

  • Sababtoo ah isku halayn ayey dadkii u tashan la’yihiin.
  • Haddii shacabku ogyahay in aan loo maqnayn way tashan lahaayeen sidii ay hadda ka horba heeryadii hogaamiye kooxeedka iskaga qaadeen, laakiin isku halaynta Dawlada ayaa taladii habaabisay.
  • Dawladu waa in ay talada shacabka u soo celisaa ama shacabku dawlada ka tashadaa.

Allaa mahad leh.

W/D: Abdirahman Abdishakur Warsame

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here