Weriye taageero buuxa ah ah Ra’isul wasaaraha Israail oo ka soo jeeda dalka Sucuudiga ayaa sheegay in Baasaboorka laga laabtay.

Abdul Hameed al-Ghabin oo la hadlay Warbaahinta Yahuuda ayaa sheegay in si rasmi ah loogala laabtay baasaboorka iyo jinsiyada Sacuudiga ee uu ku dhashay iyada oo wali loo cadayn sababta dib loogula noqday.

Ninkaan ayaa horay waxa uu warar ugu qoray Wargeyso ay Yuhuuddu leedahay kuwaas oo uu ku weeraray Falastiiniyiinta iyo dalalka taageera isaga oo si wayn u amaanay Ra’isul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.

Hdalada uu ku amaanay Ninka Xasuuqa ka gaystay GAZA ee Netanyahu ayaa waxaa ka mid ah in ay Israel ku adkaan doonto in ay hesho geesi la mid ah, waxaana si wayn uqaadaa dhigay qoraalkaas  Warbaahinta Caalamka, gaar ahaan kuwa u olalaeeya Yahuuda.

“Netanyahu, may God keep you and protect you. You were faithful and honest to the state and people of Israel, you were decisive and brave. Israeli society needs a long time to produce someone like you. You deserve to be honoured among great people because you’ve made Israel a country welcome in the Arab region,” Ghabin tweeted.

“Netanyahu, Ilaahay haku xafido. Waxaad daacad u ahayd dadkaaga, waxaad ahayd geesi go’aan leh. Muddo dheer ayayna dadka Israel ku qaadanaysaa inay soo saaraan mid adigoo kale ah. In dadka waawayn lagaa sharfo baad istaahishaa, waayo waxaad Israel ka dhigtay dal laga soo dhoweeyo gobolka Carabta,” ayuu ku soo qoray barti Twitter ka

 

Ninkaan ayaa nin har iyo habeen difaaca Gumaadyada yahuuda ka gaysato dhulka muslimiinta isaga oo uhadlaya ayuu dadka iyo dalalka muslimiinta iyo carabta ee dhulka isku hayaan ayuu ku sheegaa Cadaw ay Israel leedahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here