Home WARARKA Taliyaha qeybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka oo saakay laga soo celshay...

Taliyaha qeybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka oo saakay laga soo celshay Kismaanyo oo gaaray Deegaano ka tirsan Jubbaland

33
0

Taliyaha qeybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka Jen. Cali Maxamed Maxamuud Bogmadow oo laga soo celshay Magaalada Kismaanyo ayaa gaaray magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.

Maamulka Jubbaland ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo kasoo celiyay una diiday in magaalada galo Taliyaha cusub qeybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka Jen. Bogmadow.

Taliyaha ayaa sheegay inuu u yimid Garbahaarey sidii uu ugu kuur geli lahaa xaalada ciidanka ee ka howl gala Jubbooyinka iyo Gedo, isagoo xusay in wixii hadda ka dambeeya uu booqan doono goobaha ciidanka Xooga Dalka ay ku sugan yihiin.

Waxaa la filayaa in maalinta berri uu Taliyaha si rasmi ula wareego xilkiisa, isla markaana si toos u guda galo howshiisa hoggaaminta Taliska qeybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka oo fadhigooda yahay Jubbooyinka iyo Gedo.

ubbaland ayaa saakay Kismaayo kasoo celiyay diyaaradii uu la socda Jen, Bogmadow iyo Saraakiil kale, waxa ayna Jubbaland sheegtay in aan lagala tashan magacaabista Taliyahan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here