Home WARARKA Qarax Xoogan Oo Ka dhacay Albaabka Xarunta Madaxtooyada

Qarax Xoogan Oo Ka dhacay Albaabka Xarunta Madaxtooyada

93
0

Warar naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in daqiiqado ka hor ay ka dhaceen labo qarax aad u xoogan meel ku dhaw  albaabka laga galo xarunta Madaxtooyada Villa Somalia sidoo kale uu kuyaalo Hotelka SYL ay dagan yihiin masuuliyiin katirsan dowlada.

Jugta qaraxa oo aheyd mid xoogan ayaa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Muqdisho, waxaaan uuro iyo qiiq madow laga arkayay aaga qaraxu ka dhacay oo ku dhaw  xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa mid ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxaabaha qarxa laga soo buuxiyay, waxa uuna ka dhacay meel ku dhaw dhismaha  Hoteka SYL oo kuyaala halka laga galo xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in gaariga qarxay uu xoog kaga soo gudbay koontarool yaala laamiga Ceel Gaabta, waxa uuna gaariga qarxay iyada oo ciidamada amaanka rasaas ku ridayeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here