Home WARARKA Isias Afwerki oo booqasho ku tagay magaalada Addis Ababa Markii ugu horeeysay...

Isias Afwerki oo booqasho ku tagay magaalada Addis Ababa Markii ugu horeeysay in ka badan 20 sano ka dib

49
0

Madaxweynaha Eritrea Isias Afwerki ayaa goor dhow ka degay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya, halkaasoo uga bilaabatay booqasho taariikhi ah oo qaadan doonta 3 cisho.

Booqashada Isias Afewerki ee magaalada Addis Ababa ayaa ah tii horraysay oo ka dhacday ku dhawaad 30 sano.

Booqshadiisa ayaa jawaab u ah tii uu todobaadkii hore Eritrea ku tegey ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Socdaalkiisa ayaa la filayaa inuu qayb ka qaato isku soo dhoweynta xiriirka labada dal oo labaatankii sano ee la soo dhaafay aad u liitay.

Xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee labada dal ayaa go’naa tan iyo wakhtigaas, waxaana sidoo kale kala irdhoobay qoysas wada dhashay ama xidid ahaa.

Xiriirka labada dal Ethiopia iyo Eritrea ayaa weji cusub galay, tan iyo markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu qaaday is bedelo taariikhi ah, kaddib markii bishii April loo magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha.

Labada dal ayaa gaaray heshiisyo taariikhi ah oo xiriirka diblomaasiyadeed lagu soo celiyay, waxaana muddo 20-sano kaddib dhex maraya xiriiro diblomaasiyadeed, mid bulsho iyo ganacsi.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu booqasho taariikhi aheyd ku tagay magaalada Asmara.

Eritrea iyo Itoobiya waxaa u dhexeeyay colaad dhanka xadka ah tan iyo sannadkii 2000 markaasi oo la gaaray heshiis nabadeed oo lagu joojinayo dagaalka oo tobbonaan kun oo qof lagu dilay.

Guddiga kormeerka deegannada xadka ah ee lagu muransan yahay ayaa la sameeyay, ka dibna waxaa laga la gaaray heshiis magaalada Badme lagu siiyay Eritrea, halka Itoobiya ay diiday inay aqbasho in magaaladaasi lagu wareejiyo Eritrea.

Ugu danbayn labada hogaamiye yaashaan ayaa dhawaan ku heshiiyay ka shaqaynta sare u qaadidda arrimaha dhaqaalaha labada dal iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed.

Waxaa markii ugu horreysay la isugu furay khadadka telefoonada labada dal tan iyo sannadkii 1998-kii.

Dadweyanaha labada dal ayaa soo dhaweeyay tallaabada isgaarsiinta labada la isku furay, waxayna durbadiiba billaabeen inay wacaan eheladooda kala jooga labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here