Home WARARKA Jarmalka oo laga musaafuriyay ‘Nin ilaalo u ahaan jiray Bin Laden ‘

Jarmalka oo laga musaafuriyay ‘Nin ilaalo u ahaan jiray Bin Laden ‘

149
0

Dowladda Jarmalka ayaa dalkeeda ka musaafurisay nin u dhashay dalka Tunisia oo la sheegay in uu mar ahaan jiray ninka difaaca Osama Bin Laden.

Ninkani ayaa qoyskiisa oo Jarmalka daggan la noolaa tan iyo 1997.

Ninkani oo lagu magacaabo Sami A, islamarkana 42 sano jir ah ayaa waxa diyaarad laga saaray maanta garoon ku yaalla Düsseldorf, iyada oo ay jirto in ay maxkamad riday guddoon ka dhan ah dhoofintiisa.

Sargaal ka tirsan maxkamadda ayaa sheegay in go’aanka maxkamada la gaarisiiyay xukuumada xilli dambe taasi oo sababtay in la musaafuriyo Mr Sami.

Sami ayaa horey ugu dooday in jirdil uu la kulmi doono haddii dalkiisa Tunisia dib loogu celiyo.

Waxaa la xiray dabayaaqadii bishii aanu soo dhaafnay ka dib markii waaxda socdaalka Jarmalka ay go’aansadeen musaafurintiisa.

Sami ayaa loo arkay in uu halis ku yahay ammaanka isaga oo ku noolaa magaaladda Bochum, oo uu ku qaadanayay lacagaha ceerta ee ay dowladda bixiso.

Warbaahinta Jarmalka ma aysan baahin magaciisa oo buuxa sababo la xiriira shaqsiyadiisa gaarka ah.

Waxa uu beeniyay in uu xiriir la leeyahay kooxaha Jihaad doonka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here