Home WARARKA Maareeyaha Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada oo xilka laga eryay

Maareeyaha Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada oo xilka laga eryay

118
0

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaarada Gaadiidka, ayaa sheegaya in shaqo joojin lagu sameeyay maareeyaha Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle oo loo yaqaan Yuusuf Jaalle.

Qoraalkaan oo ku taariikhaysanaa 9 bisha ayaa lagu sheegay ayaa lagu sheegay in la joojiyay shaqadii iyo saxiixii Maareeyaha Guud ee Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Jaalle.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu magacaabay Maareeye KMG ah kaas oo loo magacaabay Maareeye kuxigeenka Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in shaqo joojintan lagu sameeyay Maareeyaha ay salka ku heyso arrimaha is qabqabsiga ka dhex jira Shirkadaha Diyaaradaha oo isku hayay arrimaha xajka.

shalay ayay aheyd markii Ra’iisul Wasaare Kheyre uu xilka ka qaaday wasiirkii Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xasan Macalin Xuseen, taas oo iyane lala xireiiriyay Arimaha Is qabqabsiga Xajka ee maalamhaanba ka taaganaa Dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here