Home WARARKA Faah Faahin weerar  toos ah oo lagu qaaday Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Faah Faahin weerar  toos ah oo lagu qaaday Wasaaradda Arrimaha Gudaha

113
0

Faah faahin ayaa ka soo baxaya qaraxyo iyo weerar  toos ah oo lagu qaaday xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ku taalla agagaarka Taalada Sayidka.

Qaraxa hore oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay afaafka hore ee Koontaroolka Isgoyska Sayidka, waxaana halkaas ka dhashay khasaare xooggan iyo gaadiid wadada marayay oo saameeyay qaraxa.

Qaraxa kaddib ayaa waxaa la maqlay rasaas, iyadoo dabley hubeysan oo lagu qiyaasay saddex dagaalame ay gudaha u galeen xarunta, waxaana bilowday rasaas culus oo la is weydaarsanayay.

Wakaaladda wararka ee SONNA ayaa sheegeysa in ciidamada ammaanka ay soo afjareen weerarka goor dhow oo duhurnimadii maanta aheyd.

Wararka ayaa sheegaya in is rasaaseyn muddo saacad ka badan socotay kaddib ay ciidamada amniga ku guuleysteen inay dilaan saddexda dagaalame oo gudaha u galay xarunta.

ilaa hada Ma jiro war rasmi ah oo sheegaya tirada  ku dhimatay ama ku dhaawacmay, hase ahaatee waxaa jiraa khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here